shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo si gaadmo ah loogu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, January 23, 2008 Ceegaag Online)  

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay toogteen askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo markaa kadibna uu qarxay dagaal fool ka fool ah.

Dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka oo aan markii horeba ku badneyn halkaas ayaa gebi ahaanba joogsaday, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray Kooxdii Dagaalka Gaadmada ah kusoo qaaday ciidamada dowladda Federaalka.

Dagaalkan maanta ka qarxay qeybo kamid ah degmada Hodan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay aheyd dagaal ka dhacay degmada Wardhiigley uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka.

Xafiiska Wararka ee Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

Ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com