shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shariif  oo ka warbixiyay Safarkiisa uu ku yimid Magaalada Muqdisho

(Muqdisho, December 11,  2008 Ceegaag Online) 

DAAWO VIDEO
Sidii loogu soo dhaweeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Muqdisho

Hoggaamiyaha kooxda mucaaradka ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yusuf uusan awood u leheyn in uu is hor taago heshiiska ay Dowladda iyo Isbeheysiga kuwada gaareen dalka Jabuuti.

Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa'iid ku qabtay Hotelka Lafweyn oo ay degan yihiin isaga iyo wafdigii uu horkacayay ee shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in imaatiinkiisa Xamar uu qeyb ka yahay heshiiskii dhawaan ku dhex maray Dowladda Federaalka iyo isbeheysiga iyo dhaqan galka heshiiskaasi.

“Waxaan la kulmaynaa xoogaga Muqaawamada ee ku sugan gudaha dalka,odayasha dhaqanka,bulshada rayidka,haweenka iyo dhalinyarada oo aan kala hadlayo sidii nabad loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya iyo in aysan dhicin dhibaatooyin iyo dagaalo dhex mara Soomaalida maadama ay ka baxayaan dalka ciidamada Itoobiya “ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo ka jawaabayay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo sheegay in dadka Jabuuti ku heshiiyay ay yihiin hal beel oo kaliya ayuu Shariifku hadalkaas waxaa uu ku tilmaamay mid been ah oo aan wax sal ah lahayn.

“Warkaas waa Been, C/llaahi isaga ayaa soo dirsaday Axmed C/salaan, muxuu u soo dirsan waayay nin beeshiisa ah, waxaa habooneed in uu soo dirsado masuul isaga ku beel ah hadii uu ku micneeyay in heshiiskii Dalka Jabuuti ay hal beel ku heshiiyeen" ayuu yiri Sh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa waxaa kaloo sheegay in madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu xilka hayay ku dhawaad 4-sano isla markaana wax uu qabtay aysan jirin, ujeedka uu uga soo hor jeestayna shirkasi uusan aheyn dano Shacabka Soomaaliyeed balse uu uga soo hor jeestay dano isaga u gaar ah.

Shir jaraa`dkana halkan ka

Dhageyso

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com