shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Maxamud Guled(Gacmadheere) oo is ka casilay xilkii dhaanka dabagaale ahaa ee dhawaan loo magacaabay. 

(Baydhabo, December 24,  2008 Ceegaag Online) 

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada baydhabo xilkiina isaga dagay  MAXAMAD GULED GACMADHEERE oo ahaa ra’isalwasare uu dhawaan doortay maxadwayne Yusuf  kaas oo uu madaxwaynuhu ku tilmayay in uu ahaa nin uu si sharci ah ku doortay.

Is casilida ayuu Gacmadheere ku shegay in uu isaga go’aan saday si lo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed oo in mudo ah ku jiray dhibaato iyo isqab-qabsi siyaasadeed.  Masii sheegin wax kale oo ku qasbay in xilka uu isaga dago waxaana uu sheegay go’ankaasi in uu isaga lahaa.

Lakin dadka qaar ayaa ku tilmaamay in safarkii madaxwaynaha ee uu  ku tagay Kenya uuna kula kulmay besha caalamka in madaxwaynaha lagu qanciyay in uu san sharci ahayn u magacaabidii uu Gacmadheere u magacaabay in uu ra’iisul was are noqdo.

Tani waxa ay ku so begmaysaa in mudo ah oo madaxda dowlada ay is haysteen Baarlamaanka Soomliyeedna uu u kala safanayay madaxwaynaha iyo ra’iisulwasaraha waxaasesu'aashu tahay xubnaha Baarlamaanka ee ku fakirka ahaa madxwaynaha  fikirka ma la wadaagi donaan inta kale ee xildhibaanada ah oo iyaga si sharci ah kalsooni u siiyay wasiiradii Nuur Xasan Xuseen.

Maxamed Xuseen Sunni,

Muqdisho.

webmaster@ceegaag.com