shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ma banaantahay, in loo dabaal Dego, Sanadka cusub ee Hijriga? Maxayse ka qabtaa diinta Islaamka?

(Hargaysa, December 29,  2008 Ceegaag Online) 

 Had iyo jeeraale waxa jirta, in meelo badan oo ka mid ah dalalka Islaamka looga dabaal dego, sanad-ka cusub, ee hijriga, iskuulada iyo shaqooyinka qaarkood ayaa fasax ah, munaasabada, sandaka cusub ee hijriga, dartii.

 

hadaba ma banaantahay in loo dabaal dego  munaasabadan darteed maxeysa diinteenu Islaam-ka ah ka qabtaa?

mar waloo talaabo diinta ku saabsan la qaadayo waa in ay ahaataa, mid Shareecada islaamka ku saleeysan, waayo nabi muxmad CSW, waxa uu yidhi (Ruuxii diinta wax aan ku jirin ku soo dara, waa lagu celinayaa)

 

sida aynu ognahayna, islaamku labo ciidood ayuu leeyahay oo la kala yidhaa, Cidul adxaa, iyo ciidul fidri , mana soo aroorin, in loo dabaal dego, sanadka cusub ee hijriga, xitaa ma aha hadalkani mid ay isku khilaafsanyihiin Culimada islaamka Guud ahaan.

 

Sidaa darteed, waxaa lagama  maarmaan ah in aynu ku deyano Nabi Maxamed, CSW,

 

waxaa nasiib darro ah, in dadka qaarkii  ku odhanayaan, maadaama gaaladuba, ay u dabaal degayaan, sanadkii miilaadigu, anaguna maxaa noo diidaya in aanu u dabaal degno?

 

Waa in aad ogaataa, wax walba oo aad sameeyneyso, hadii aanad kaga deyanin, nabi Muxamad CSW, in aad khatar ku sugantahay,

 

Allah Wuxuu yidhi, ( Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya nabi muxamad CSW, Amarkiisa, in ay haleesho fitno, ama cadaab daran)

 

Waxaa kaloo iyana guul darro ahi, in dad badan oo muslimiin sheeganaya, ay la dabaal degaan, ama ay la farxaan, maalintaa gaaladu,ay faraxsanyihiin munaasabadaa darteedu  

Waxaad arkeeysaa madax fara badan, oo ka talisa, Dunida muslimka oo    ugu tahniyadeeynaya, gaaladu. Munaasabadooda.

 

Mudo hada laga joogo, 8-sanadood, ayaa waxaa Hargeysa ka dhacday, Sheeko la yaab leh, waxa ay ku beegneyd, maalintii ay gaaladu u dabaal degayaan, ciidooda, hay`ad caalami ah oo lagu magacaabo, DRC, oo fadhigeedu yahay magaalada hargeysa,

 ninkii gaalka ahaa ee madaxda ka ahaa, ayaa waxa uu diiwaan galiyay, dhamaan shaqaalihii hay`adaasi u shaqeeynayay, waxa uuna u sheegay, in ay u tahniyadeeyaan, xafiiskooda kale eek u yaala, caasimada dalka Sweden ee Copan hegan,

 

Warqadii tahniyada ayuu diyaariyay, ka hor intii aanay saxeexin shaqaalihu, xaladu marki   ay halkaa mareeysay, ayaa nin ka mid ah shaqaalihii hay`ada yidhi, isagoo shaqaalahai kale, weeydiinaya, Horta diinteenu ma qabtaa, in gaal loo tahniyadeeyo?

 

Arintii ayaa muran ka dhex dhalisay, shaqaalihii dhexdooda, ka dib waxa ay iskula tageen, maxkamada, Culimada ay ku midooween, ee lagu magacaabo, Al-towfiiq, waxaana loo sheegay, in ay arintaasi halis tahay, xitaa waxa ay culimadu gaadhsiiyeen, in uu qofku ku

 

Subixii dambe shaqaalihii, waxa ay si wada jir ah, ugu sheegen ninki gaalka ahaa ee hay`ada madaxda ka ahaa, in ay arintani, diintooda ku banaaneyn, lana aqbali Karin, ninkii gaalka ahaa, aad ayuu uga cadhooday, waxuuna weeydiiyay, Cida ka dambeeysay, arintani, Shaqaalihii, umeeysan sheegin, ninkii arintini ka dambeeyay, ugu dambeyntii Taasoo ka liftay, in Wiilkii yidhi horta culimadu aynu soo weeydiino, uu shaqada isaga tago

 

Hadaba akhristoow, mar walba waxaa lagaaga baahanyahay, in aad diintaada aqoon u yeelato, si aad u kala garato waxa banaan iyo waxa kaleba, hadii aanad nasiib u yeelan, in aad hada ka hor  barato, imika biloow barashada Diintaada, Ka horse waxaa lagaa doonayaa in aad ku xidhnaato Culimada, meel kasta oo aad joogto.wax walba oo ku shaki galiyana, aad culimada aad kala tashato,  sababtoo ah, Culima awdiinku, iyagaa, ayaa dhaxlay, nabi muxamad,

 

Waxaan ku soo gabagabeeynayaa, wixii aan khalday, waxa ay ka sugnaadeen xaga sheydaan-ka, wixii aan saxayna, waxa ay ka sugnaadeen, Xaga Allah subxaanu watacaalaa

 

W.Q: Walaalkiin Adan

Cabdulaahi. Hargeisa.   

webmaster@ceegaag.com