shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal markale kasoo cusboonaaday Deeganka u dhaxeeya Cagaare iyo Magacleey.

(Cagaare, December 14,  2008 Ceegaag Online) 

Dagaal ayaa mar kale ka soo cusboonaaday Deegaanka u dhexeeya Cagaare iyo Magacleey ee Gobolka Nugaal, kaas oo u dhaxeeyaa labo beelood oo wada daga Deegaanadaas  oo horena aagaasi dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay ugu dhexmaray.

Dagaalkii manta ka dhacay Deegaanka cagaare iyo Magacleey ayaa wuxuu geystay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 1 ruux oo kale.

Dagaalkan ayaa wuxuu dhacay kadib markii Beesha dagta Buurtinle ay dileen Ganacsade lagu magacaabo Faarax Guray oo kasoo jeeda deegaanka Qoriley ee Gobolka Sool, Ninkale na dhaawaceen ayaa manta galinkii dambe dagal rogal celis ah ay beesha dagta Qoriley ku dileen 2 nin oo kasoo jeeda Beesha Buurtinle.

Dhacdan ayaa timid iyadoo xal laga gaaray Dagaalo horey ugu dhexmaray Labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka cagaare sanadkii lasoo dhaafay, ilaa hadana ma jirto cid isku xilsaartay Colaada kasoo cusboonaatay Deegaankaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanadasna waxay sheegayaan in xaaladda ay aad u kacsan tahay, lagana cabsi qabo waqti kaste in faraha la isasaaro. iyadoo aysan jirin wax maamul ah oo kala dhexgala labadaa beelood.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com