shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Caalamka oo walwal weyn ka muujisay xaalada cakiran ee Soomaaliya.

(Baydhabo, December 27,  2008 Ceegaag Online) 

Warar hoose oon helnay ayaa waxa ay sheegayaan in beesha Caalamku walwal weyn ka muujisay wararka sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed uu iska casilidoono Xilka Madaxweynenimo.

Hogaamiyasha Beesha Caalamka ayaa ka walwalsan is casilaada la hadalhayo ee Madaxweyne Yuusuf ay ka dhalankarto qalalaase siyaasadeed oon loo baahnayn waqtigan xaadirka ah, iyadoo ay adkaandoonto in mudo gaaban lagu doorto Madaxweyne cusub.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa ka talisa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Xubnaha Barlamaanka iyadoo Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu u dhexeeyo xilaaftan mudo soo jiitamay, Arrinta ugu weyn ee ay isku qabteen Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa koowaad ayaa ahayd ansaxinta Golaha Wasiiradii dhawaan la magacabay, heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Dowladda KMG ah iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Sheekh Shariif iyo waliba Maamulka cusub ee loo dhisay Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Dowladdaha Mareykanka, Britain iyo EU-da ayaa ka walaacsan awooda Kooxaha Islaamiyiinta ay kula wareegeen inta badan Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya, iyadoo hogaamiyaal ka mid ah wadamadaas ay u arkaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde mid Xukuumadiisu ku guuldareysatay hawlihii iyo waajibaadkii loo doortay, iyadoo sabab looga dhigayo awooda ay Kooxaha Islaamiyiintu ku yeesheen inta badan Gobolada Koonfureed mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com