shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaanada Barlamaanka Dowladda KMG ah oo kusii qulqulaya Magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, Aug 08,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maalmahaan si xad dhaaf ah ugu soo qulqulayay magaalada Baydhabo xildhibaanada Dowlada KMG ah iyagoo ka kala imaanayay dalka gudihiisa iyo dibadiisa si ay uga qeybqataan kulamo dood ah oo xildhibaanada Barlamaanka ka leeyihiin arimo badan oo hor yaalo.

Balse waxaa isweydiin mudan maxaa cusub oo ay xildhibaanada xiligan ugu soo socdaan magaalada Baydhabo oo ay mudo cagta soo dhigin? jawaabta ayaa loo kala qaadi karaa labo arin oo mida hore tahay waxa ay maqleen isqabsiga u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare Nuur Cadde oo ay ka filanyaan xooga lacago ah si ay ugu codeeyaan cida xoogaa sanuud ah siisa iyagoon wax shaqa ah ku lahayn danaha dadka ay matalaan.

Jawaabta labaad ayaa dhihi karnaa waa cabsi soo food saartay oo ay is leeyihiin armaa boosaskiina la buuxiyaa ka dib hanjabaad uu Gudoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe u jeediyay xildhibaanada ka maqan fadhiga Barlamaanka, taasi ayaa keentay in ay iska xaadiriyaan Magaalada Baydhabo..

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com