shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gen: Cabdulahi Axmed Jamac oo Sidiiran Loogusoo dhaweeyay magaalada dekada leh ee Boosaaso.

(Boosaaso, Aug 12,  2008 Ceegag Online)

General Cabdulahi Axmed Jaamac ayaa maanta gelinkeedii hore kasoo degey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari isla markaana ah saldhiga ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland iyadoo ay baabuur tiradooda lagu qiyaasey 70 gaari ay kasoo gelbiyeen gegeda diyaaradaha General Ilka Jiir.

Dadka soo dhoweynayey ayaa waxay isugu jireen wax garadka Gobolka, Nabadoonada, hantiilayaasha iyo culumada isla markaana ay Generalka loo soo dhoweeyey qaab madax weyninimo.
 


 

 

General Ilka Jiir oo kasoo degaya Diyaarada Air Jabouti

Calanka Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo caleemo ayaa la ruxayey taas oo dadkii kasoo qeyb galeen soo dhoweynta Generalka.


 

 


 

 

Baabuurta oo gelbineysa Generalka

Sidoo kale waxaa jirey cutubyo ciidan ah oo amniga garoonka Diyaaradaha si weyn u ilaalinayey oo inta badan ciidamadaasi ay ka tageen magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.


 

 


 

 

Musharixii oo isimada ku Gacan Qaadaya Garoonka Magaalada Bosaso

Generalka ayaa waxaa weheliyey Wufuud kale oo ka socotey Jaaliyada dibada iyagoo dhamaantood si diiran oo qiimo leh lagu soo dhoweeyey.

Generalka oo xaley xili danbe kasoo duuley magaalada Dubai ee Dalka Emaaradka Carabta ayaa waxa uu isla markiiba magaalada Bosaaso kula hadley bulshadii soo dhoweyneysey isagoo sheegey inuu aad uga mahad celinayo soo dhoweyntan shaqo badana ay harsan tahay.

Generalka ayaa sidoo kale ayaa qorshihiisa waxaa ku jira inuu 2 maalmood ku sugnaado magaalada Bosaaso dabadeedna uu usoo gudbo Gobolka Sanaag waxaana la filayaa inuu ugu soo horeyn doono magaalada Dhahar oo iyadu si weyn isu diyaarineysa soo dhoweynta Generalka.
 


 

 

 


 

 

General C/lahi axmed jaamac iyo Sarkiil ku soo Dhoweysey Garoonka Diiyaaradaha


 

 

 


 

 

Shacab Waynihii Soo dhoweyeey Generalka oo Soo buux dhaafshey Garoonka Diyaaradaha.



 

 


 

 

Generalka oo salaamaya Sarkiisha Amaanka PL oo Garoonka Diyaaradaha ugu Diyaargarowdey soo Dhoweyntiisa.


 

 


 

 

2 Masuul oo ka tisan Weftiga Caalamiga ah ee Soo Dhoweyey Musharaxa


 

 


 

 

Waxaa ay u gelbiyeen oo uu Degey Musharaxu Hoteelka Baana Rooma ee Magaalada Bosaso Halkaasi oo uu Saxaafada kula Hadlay isla Mar ahaantaasina Shacabka u Sheegay In Saacadaha Soo socda uu Soo bandhigayo Wax qabadkiisa


 

 


 

 

Masharaxa ayaa Ka Dib Markii uu Hoteelkiisa ku Degey Ka soo Jeediyey hadalo gaaban isagoo sheegay in Mar dhow ka Waramayo Wax qabadka kaga aadan Madaxtinimada.

 

 

 
Xigasho: Boocame

 

  

webmaster@ceegaag.com