shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xidigihii hore ee xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya oo ciyaar xiisa badan ku dhaxmartey magaalada London (Daawo)

(London, Aug 18,  2008 Ceegaag Online

Xidigihii hore ee xulka Qaranka kubadda Koleyga Soomaaliya oo ciyaar  xiisa badan ku dhaxmartey magaalada London
 
Waxaa magaalada London ka socda tartan kubadda koleyga ay ka qayb qaadanayaan kooxo da’ yar Soomaaliyeed iyo xidigihii hore kubadda koleyga Soomaaliya ay ku dhaxmarayaan.
 
Ciyaar aad u xiisa badnayd ayaa waxay ku dhaxmartey garoonka London City Academy oo ku yaal Galbeedka magaalada London, qaasatan xaafada Herlesden labo kooxood oo ka kala yimid dalalka Canada iyo USA.
 
Kooxda USA ayaa waxaa macalin u ahaa macalinkii hore xulka gabdhaha qaranka Soomaaliya, macalin Idiris Sulayman,waxaana taageerayay macalin Giftin oo isna USA ka yimid iyo Aarkay oo ka mid xulkii qaranka Soomaaliya barisamaadkii, iyadoo kooxda USA u safnaayeen ciyaaryahano dalkeena magac iyo xushmad ku lahaa, kuwaas oo kala ahaa sidatan,
Abdulqadir Shiikha, Abdulqadir Madaxay, Ahmed Dahir, Abdi Xalwo, Bashiir Doob, Salay, Nuuradiin, Liibaan Dahir.
 
Kooxda Canada ayaa waxaa macalin u ahaa isla markaana dheelayay macalinkii kooxda Jeenyo iyo xulkii qaranka Soomaaliya macalin Abdi Dheere, iyadoo ay kooxdana u safnaayeen ciyaaryahanada kala ahaa: Dhame, Ahmed Tuke, Ahmadeey B, Daa.uud Dhere iyo Mohamed Sheikh( Holoqsane).
Ciyaarta ayaa ku bilaabatey dar dar iyadoo ayna u sacaba tumayeen taageerayaasha labada kooxood, ciyaaryahanadaan ayaa ka muuqatey xirfad isboorti oo laga dheehan karey inay wax badan horey u soo ciyaareen markii ay joogeen dalkooda ilaana heer qaran ka soo gaarey ciyaarta kubadda koleyga, hadana ay wali ka qayb qaata isla markaana macalimiin u ah dhalinyaro badan oo ku nool wadamada ay ka yimaadeen.



Ciyaarta qaybteedii hore ayaa ku soo idlaatey in kooxda ku ciyaareysay USA ay ku hogaamiyaan  27 dhibcood halka kooxda Canada ay ku hakatey 25 dhibcood, taas oo aad ka garan karto inaysan waxba kala horeynin laacibintaan cuslaatey.
 
Wadatashi iyo nasasho yar kadib waxaa dib loogu soo laabtey ciyaarta qaybteedii labaad, taas oo ay dadwaynaha buux dhaafiyay garoonka ay sugi kari la’aayeen in ciyaarta ay dib u bilaabato, ciyaarta ayaa meesha ay joogta ka bilaabatey ,iyadoo labada koox ay dheelayeen ciyaar adag oo aad ka garan karto sida la isku riix riixayo iyo dadaalka ay muujinayeen koox walbo, iyagoo doonaaya inay guusha raacdo kooxdooda.
 
Ciyaarta ayaa gabagabadii ku guusha ku raacday kooxda USA, inkastoo xidigii qaranka iyo kooxda Horseed Ahmed Dahir uu dhaawac yar gacanta ka gaarey xiligii ay socotey ciyaarta, ciyaartiina waxay ku dhamaatey USA 58 dhibcood halka kooxda Canada ay dhaliyeen 47 dhibcood.
Tartankaan ayaa waxaa suurtagaliyay ururka SSIFO oo ay hormood u yihiin macalimiintii hore kubadda koleyga Soomaaliya Macalin Shiine Guhad iyo Macalin Xasan Farah macalin John.
 
 
Dad badan oo garoonka ka daawanayey ciyaarta ayaa qirey in Soomaaliya ay soo mareen xidigo awood u lahaa inay dalkooda ka dafaacan garoomada caalamiga ah oo ka koobnaa wiilal iyo gabdhaba, ayna nasiib xumo tahay in maanta wadankeena uu noqday mid dhibcahooda lagu xisaabtamo, marka ay ka qayb galayaan tartamada caalamka iyadoo la heli karo ciyaaryahano badan, sababtana ay ugu wacan tahay markaan darsay in xiriirka Soomaaliyeed kubadda koleyga uusan diyaar u ahayn inuu wax talo ah waydiiyo ama uu ka qaato ciyaartooydii hore kubadda koleyga Soomaaliya iyo macalimiintii hore oo kuligood ku sugan dalalka Canada, USA iyo London.
 
Waxaa  soo diyaariyay:
Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA
               &
Sports Editor
London

webmaster@ceegaag.com