shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Aqoon Isweydaarsi maalintii 8-aad Culumadda Ahlu Sunah Waljameeca uga socda Hotel Global ee Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, Aug 05,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa maalintii 8aad galay Aqoon isweydaarsi ballaaran oo Culimada Ahlu Sunaha Waljamaacah uga socda Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Dood Cilmiyeedkan uu yahay mid Culimada ku kala aragti qaadanayaan, kaas oo ku wajahan Xaaladaha cakiran ee ka jirta Dalka Soomaaliya.

Culimada ka qeyb qaadatay dood cilmiyeedkan ballaaran ee ka socda Hotel Global ayaa waxaa ka mid ah Culumo dalka aad looga yaqaana waxaa ka mid ah Sheekh Muuse Sheekh Xasan Cadde, Sheekh C/rashiid Sheekh Xuseen Cadde, Sheekh C/qaadir Maxamed Sheekh Soomow, Sheekh Muuse Mara Cadde iyo Sheekh Muuse Caga-weyne.

Culimadu ayaa waxay Dood cilmiyeedkan diirada ku saarayaan sidii ay Bulshada Soomaaliyed wacyi gelin dhinac kasta leh ugu sameyn lahaayeen iyagoo ka shidaal qaadanaya, dhibaatooyinka haatan bulshada Soomaaliyed soo wajahay, sida Dilalka foosha xun ee qorsheysan ee lagula kacayo dadka wax tarka u leh Bulshada, sida Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Saraakiisha, Culimada iyo Shaqaalaha Sama falka iyo Haweenka.

                        

Dood Cilmiyeedkan ayaa sidoo kale waxay Culimada isku tusaaleynayaan Doorka Shariifka ah ee kaga aadan sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi gelinta iyagoo u maraya wadiiqad kasta ee bulshada lagu gaarsiin karo sida Masaajidyada, Aqoon isweydaarsigan oo kale iyo mowlacyada iyo wixii la mid ah si ay Culimadu ugu sara kacdo, in ay wax ka qabtaan xaaladaha murugada leh ee 18-kii sano ee ugu dambeeyay la daalaa dhacayay Shacabka Soomaaliyeed.

Culimadu ayaa waxay dood cilmiyeedka isku weydaarsadaan fikrado iyo aaraah ku aadan xaaladaha soo noq noqday ee mar walba ku dhacaya shacabka isla markaana abuuray barakac iyo in qoysas badan ay ka hayaamaan Gudaha Dalka soomaaliya kuwaas oo badaha ku halaagsamaya, iyo sidoo kale kuwo ku jira xabsiyada Dowladaha Kenya, Ethiopia, Sudan, Libya, Talyaaniga, Turkey-ga, Ugandha, Tanzania, iyo Malta.

Baaqyada Culimadu ayaa waxay yihiin kuwo lagu muujinayo sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka ka taagan Caasimada oo ku habsanaya shacabka, waxaana ay sheegeen in ay u istaagi doonaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in shacabka ku wacyi geliyaan sidii looga fogaan lahaa waxa ay Diintu reebtay sida Dilka Birimageydada ee qofka Muslimka ah loo geysanayo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com