shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rogrog Siyaasadeed

(Qore: Ciisa Maxamuud Aadam)

                                               (Soomaaliya,  September 07, 2007 Ceegaag Online)

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
 
Waxa Maalmahan dambe isa soo taraayay inay Mucaaradada Soomaaliyeed ee Gumaysi diidka ahi ka codsadeen Shiikh Xassan Daahir Aways inuu ka nasto Siyaasada isagoo muda dheer ku soo jiray, ana waxaan codkayga ku darayaa oo ku ayidsanahay Mucaaradada inuu Shiikhu ka nasto maanta Siyaasada oo u banayo qayrkii markaan sidaas leeyahay maaha macnahaygu in aan necebahay  Shiikh Xassan Daahir bal waxaan u hayaa qaderin iyo ixtraam wayn waxaana ogahay inuu yahay nin wadani ah iyo Oday Soomaaliyeed iyo Shiikh ay ku dheertahay cabsida Allah tacaalaa oo doonaaya maslaxada ummada islaamka gaar ahaana tan wadankiisa
 
 intii uu siyaasada ku soo jiray wax badan oo khayrah buu sameeyay oo aan marnaba la ilaabi karayn sida qaybta wayn ee uu ka qaatay fidinta Dacwada Diinta Islaamka Caqiidada saxda ah, daryeelka agoomaha iyo kuwa itaalka daran, ku walaalaynta dadwaynaha ama Qabaa'ilka iyo Ferdiyaal ba qabsashada Xadhiga Allaah tacaalaa ee adag iwm
 
 xaga Siyaasada wuxuu isku deyay Shiikh Xassan in wadanka laga dhiso Dawlad Islaam ah taas oo ah himilada uu leeyahay qof kasta oo Muslim ahi guuldarooyin badana waa laga  kulmay taas ha ugu daraato tan ugu dambaysay ee keentay in wadankeenii Gumaysi qabsado waana arin guud oo ka jirta wadamada Islaamka oo dhan ee maaha wax ku gaar ah Shiikha ama Maxaakiimta 
 
 sababtuna waxay tahay waxa la yidhi kii degdegsada arin iyadoo aanu waqtigeedii iman waxa lagu ciqaabaa ka qatanaanteeda taas weeye sababtu, arintan waa lagu deg degay iyadoo aanay weli Dacwadii midha dhalin ayaa la degdegsaday oo la bilaabay in Dawlad Islaama la dhiso taas ayaa u sabab ah guuldarooyinka dhacay, halkii layskaga mashquulin lahaa barashada Cilmiga Diiniga ah iyaadoo uu runtii inagu yaryahay ayaa laga doorbiday in la doono Dawlada Islaam ah mana laga fekerin caqabadaha faraha badan ee taas ka sokeeya ha ahaato Dawladaha Gaalada ah ee maanta Aduunka ka taliya oo aan marna ogolaanayn in la dhiso Dawlad Islaam ah iyo Muslimiintii oo aan maanta magaca maaha ee aan Diintoodaba waxba ka garanayn kan ugu horeeya ee kugu diidaana ama kaaga hor imanayaana uu yahay kan Muslimka ah
 
 tusaale hadaan soo qaato intii ay maxkamaduhu ka talinayeen Koonfurta inteeda badan wax badan oo wanaag ah bay qabteen wax yaabaha munkarka ah ee afeeyay Soomaaliyana wax bay ka qabteen inkasta oo siyaabihii loo dabaqay ama loo fuliyay hadal badan ka imanaayo hadan waxay ahaayeen munkaro ama xumaatooyin cudur ku noqday ummada oo daawo u baahan sida Qaadka laakiin markii ay mamnooceen sidee dadwaynuhu u arkaayay arintaas waxa hubaal ah in in yar oo Allaah u naxariistay mooyee laga xumaaday mamnoocistii Qaadka iyo wax yaabaha xun xun ee la midka ah
 
 markii maxkamadihii laga qabsaday Dhulkii oo ay soo galeen kuwii horkacayay gaalada ee dabadhilifka u ahaa Gacankudhiiglayaal C/llahi iyo Geedi iyo kuwii la mid ka ahaa waxay dadka ugu khudbadaynayeen: ma waxaa laydiin diiday Qaadka?!" ay yidhaahdaan haa iyadoo farxad ka muqato!" waa idiin fasax maanta laga bilaabo, ma waxaa laydiin diiday xumaanta? "ay yidhaahdaan haa!" waa idiin fasax
 
 tusaale kale markii Gaaladu qabsadeen Afqaanistaan oo la jebiyay Daalibaan ayaa inta badan ragii reer Afqaanistaan waxay mudo dheer kuyuu ugu jireen Timaxiirayaasha si ay gadhka isaga xiiraan Dumarkiina waxay tuureen Xijaabkii labadaa shay oo dhaqan u ahaa reer Afqaanistaan iyadoo uu Asalkii uga yimi xaga shareecada Islaamka hadana dadka dambe sharci ahaan uma ay garanayn ee caada ahaan bay ugu dhaqmi jireen laakiin markii Daalibaan ku qasab tay ragii aan la bixi jirin gadhka iyo Dumarkii aan xidhnayn xijaabka waxay u arkeen in meel lagaga dhacay xoriyadoodii waxayna taasi keentay inay karaahiyaystaan Xukumkii Islaamka taas maxaa keenay iyo tii ka horaysay ee Soomaalidaba?
 
 waa iyadoo oo aanu qofkii Muslimka ahaa fahamsanayn xaqiiqada Islaamka waana taas taan u leeyahay lama heli karo Dawlad Islaam ilaa ay Muslimiintu fahmaan Diintooda oo ogaadaan xaqiiqada Islaamka taana waxa lagu gaadhi kara Dacwad dheer oo loo sabro intay ka midha dhalayso waa in la helaa hadii la doonaayo Dawlada Islaam ah ragii hogaamin lahaa oo ku hubaysan Cilmi Diini ah iyo mid Duniyadeedba iyo Shacab fahamsan xaqiiqada Diinta Islaamka iyo in uu Allaah tacaalaa u abuuray Insiga iyo Jinka inay isaga uun caabudaan markaa waxa dhacaaya inay meel marayso Dawladaasu Allaah tacaalaana hiilkiisa ay helayso Ummadaasu siduu ku balan qaaday tacaalaa
 
 laakiin aad bay uga fogyihiin kooxaha Islaamku ee doonaya inay Diinta ku xukumaan dhulka Islaamka guud ahaan taasna waxay keentay in had iyo jeer ay ku guulaysan waayaan ujeedkooda
 
 tusaale aan mar labaad soo qaato ina tusinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in Cilmiga Diiniga ah uu raaco Cilmi Dunida ahi oo uu qofku lagama maarmaan ay tahay inuu la socdo Siyaasada Dunidu ay ku dhaqmayso iyo meesha ay marayso iyo dhamaan wax yaabaha ku xeeran waana sida lama filaanka ah oo mar qudha Maxkamadihii Islaamku uga soo dhex bexeen siyaasada Soomaaliya iyagoo markii hore ahaa koox yar oo aan sidaas awood badan u lahayn waynuna ognahay in ay ku yimaadeen Caadifada iyo taageeradii ay dadwaynuhu u fidiyeen markii la dulmiyay wadaada oo qabqablayaashii Mujrimiinta ahayd isu bahaysteen oo u samaysteen isbahaysigii ay ugu magac dareen la dagaalanka Argagixisa oo ay rabeen inay mid mid u soo qabtaan oo ugu dhiibaan America
 
 taas ayaa dadwaynaha kicisay oo ka cadhaysiisay keentayna in dadwaynihii iyo maxkamadihii oo isku duubani ka saaraan wadanka qabqablayaashii dagaalka ee Mujrimiinta ahaa, hadaba su'aashu waxay tahay Maxaakiimtii ma ku mahad naqeen nasirigii Allaah tacaalaa waafaqiyay mana uga faa'iidaysteen si haboon mase garteen waxa keenay dagaalkan hada iyo cida ka dambaysay iyo waxa laga rabo toona mase ahayeen kuwa ka war haya waxyaabaha ku xeeran iyo Jawiga guud ee ka jira Aduunka maanta?
 
 maya ayaan qabaa anigu su'aalahaas oo dhan waayo haday haa ahaan lahayd dee wax uma dhaceen siday u dhacaan, Allaah tacaalaa uma mahadniqin ee waa is mahadiyeen waxaana galay damac ah Soomaaliya oo dhan qabta markaas bay hadba meel isku qaadeen aanay ka helay waxaan fitnad ahayn iyagoo aan ka fekerin inaba duruufaha ku xeeran gudaha iyo debedaba ninka se in yar oo aqoon ah u leh Dunida wuu ka war qabay meesha xaalku marayo iyo waxa la doonaayo oo wuu og yahay in laga soo bilaabo Qaraxyadii 11september ka dhacay America Dunidu is bedeshay wadama badan oo Islaam ahina ay bartilmaameed u yihiin Gaalada wadankeenuna uu ahaa bartilmaameedka labaad marka laga yimaado Afqaanistan wuuna ka war qabaa waxa dib loogu dhigay oo ah in la waayay meel ciidamada Islaamiyiintu ku urursan yihiin oo ay ku dhex jiraan Shacabka
 
 lana go'aan saday in laga soo dhex saaro wuxuu kaloo ka war qabaa in Ethiopia loo doortay inay tahay tan gaalada u difaacaysa Geeska Africa sidaa awoogeedna la hubeeyay Ciidamadeedana tababara fiican la siiyay si ay wax uga qabtaan goobtaa taasuna is waafiqisay damacii Ethiopia ee soo jireenka ahaa iyo siyaasada America ka leedahay Geeska Africa xusuuso khudbadii Bushe ee 11september waxa ka mid ahaa hadalkiisii waxa laga waayi doonaa Khiriidada Aduunka Wadama badan arintanu waa daliil cad oo ina tusinaaya in Cilmiga Diiniga ay tahay inuu raaco Cilmi Duniyadeed
 
 aan u soo noqdo arintii Shiikha ee sababta aan Maanta codsigan ugu jeedinayaa Shiikh Xassan Daahir waa dulmiga wayn ee dusha laga saaray oo loogu shaabadayay sida xaqq darada ah ee ah in uu xidhiidh la leeyahay waxay ku tilmaameen Argagixisada taas oo caqabada ku noqonaysa cida uu isagu hogaaminayo siday wax uga qaban lahaayeen Gumaystaha Maanta wadankeenii qabsaday laakiin marna lagama marmo talooyinkiisa iyo odaytinimadiisa iyo ducadiisaba
 
 maantana arintu meel adag ayay taagan tahay wax walibana waxay ku wanaagsan yihiin in loo daayo kuwa wax ka qaban karaaya ee marxaladaa ku haboon, waxaynu maanta u baahnahay rag Siyaasada aqoon u leh Aduunkana miisaan iyo culays ku leh oo laga yaqaano daacadna u ah wadankooda sida mudane C/risaaq Xaji Xuseen, Pro. Cali Khaliif Galaydh, Pro.Axmed Ismaaciil Samatar,Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo kuwa faraha badan ee la mid ka ahi inay hogaamiyaan Mucaaradada lana taageero oo lays daba taago oo aynu noqono saf keli ah oo xoraynta wadanka ka dibna leh oo uu u diyaar yahay qorshihii Dalka lagu maamuli lahaa hadaynu se u kala qaybsan nahay Kooxo iyo Qabiilo mid walbana uu la wanaagsan yahay ujeedooyinkiisa gaarka ahi kuna adkaysanayo wax wanaaga oo laga gaadhi doonaa ma jirayo ee uun waxa loo faa'iidayn Cadawga Gumaystaha ah iyo Dabadhilifkiisa waxaana anigu door bidi lahaa in shirka Asmara lagu dhiso Dowlad debeda joogta 
 
waxa kale oo lagama maarmaan ah in hadii la doonayo inay wax hagaagaan oo Mucaaradadu ay noqoto mid Shacabka u cuntanta oo ay aqbalaan waa in aanay horboodin oo horseed ka noqon rag badan oo siyaasada hore ugu fashilmay sida Xuseen Caydiid, Madaxwaynihii hore C/qaasim Salaad, Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif iyo raga la midka ah ee Siyaasada hore ugu fashilmay
 
waxan kale oo halkan baaq uga soo jeedinayaa Kooxda Ashabab ee halgamayaasha ah waxaana leeyahay walaalayaalow ha kala qaybinin safka Mucaaradada ee aan saf keli ah noqono si aan uga saaro Gumaystaha wadankeena ogaadana Koox ama Qabiil waxaa xaqiiqa ah inaan wax guula lagu gaadhayn waanu idinla fahmaynaa meesha aad hiigsanaysaan iyo waxaad doonaysaan ba waana waajib iyo himilada qof kasta oo muslim ah laakiin sidaan kor ku soo xusay waxaan taas ku gaadhi karaa Dacwada oo loo sabro ilaa inta aynu ka helayno Mujtamac muslim ah oo xaq u fahamsan Diintiisa
 
waxaan qoraalkayga ku soo geba gebaynayaa saxan saxadii xoriyadu way soo uraysaa ee maxaa xoriyada ka dib qorshe ah oo loogu tala galay Mucaaradadey? mise arintu sidii caadada ahayd bay ku socotaa Ajanda la'aan oo hadhow wax waliba isugu qasmayaan sidii caadadu ahayd?
 
wa bilaahi towfiiq

  

webmaster@ceegaag.com