shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kaka  Oo Loo Doortay Ciyaaryahanka  Ugu Fiican Sanadkan 2007 (FIFPRO WORLD PLAYER OF THE YEAR 2007).

(Milanello,  October 06, 2007 Ceegaag Online)

Xiddiga kooxda Kubada Cagta AC Milan  ee dalka Talyaaniga  iyo xulka Brazil Kaka ayaa loo doortay ciyaaryahanka sanadka ugu fiican 2007-da ee (FIFPRO Player of the Year) markiisii koowaad.
 
Kubad qaabeeyaha Reer Brazil ee 25 jirka ah ayaa helay codadkii  ugu badnaa ee loo qaaday 57,5,00 Kun oo ciyaaryahano ku haboon in la doorto.
 
Kaka ayaa qeyb weyn ka qaatay guushii kooxdiisa AC Milan ee koobka Horyaalada Yurub inkastoo uu ku fashilmay inuu ka dhex muuqdo koobkii adduunka ee Sanadkii 2006 iyo isaga oon ka qeyb galin Koobkii Qaarada Latin America ee Wadankiisa Brazil oo ku guuleystay.
 
11-ka  Ciyaaryahan ee Abaal Marinta FIFPRO Ku soo Baxay Ayaa Kala ah :-
 
1. Gianluigi Buffon (Italy/Juventus)  
2. Alessandro Nesta (Italy/AC Milan)
3. Fabio Cannavaro (Italy/Real Madrid)
4. John Terry (England/Chelsea)
5. Carles Puyol (Spain/Barcelona)
6. Steven Gerrard (England/Liverpool)
7. Cristiano Ronaldo (Portugal/Manchester United)
8. Kaka (Brazil/AC Milan)……….(Winner)
9. Lionel Messi (Argentina/Barcelona)
10. Didier Drogba (Ivory Coast/Chelsea)
11. Ronaldinho (Brazil/Barcelona)
 
LMA

  

webmaster@ceegaag.com