shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Man United ayaa ku Guuleesatay Tartanka Horyaalka England.

                                                       (Ceegaag ,  May 10, 2007, Ceegaag Online) 

Kooxda Manchester United ayaa Hanatay Horyaalka Ingiriiska  markii Kooxda Chelsea ay barbar dhac la gashay Kooxda Arsenal.
 
Chelsea ayey aheyd in ay badiso si ay rajo ugu sii yeelato hanashada horyaalka maadaama kulankaan ka hor laga horeeyey 8 dhibcood hase yeeshee barbardhaca  maanta ay la gashay Kooxda Arsenal ka dib waxey Chelsea ka hooseesaa Manchester United  7 dhibcood iyadoo 2 kulan oo keliyana ka harsan tahay horyaalka.
 
Chelsea iyo Man.United ayaa ku balansan finalka koobka FA-ga 19ka bishan iyo weliba kulan kale oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo aan xiisa badan laheyn maadaama lagu kala baxey horyaalka.
 
 
Hoyaalka Spanishka ayaa ciyaartii ugu xiisaha badneed caawa waxa ay dhexmartay Real Madrid & Sevilla kulankan oo ka dhacayay Garoonka weyn ee Estadio Santiago Bernabeu ee Kooxda Realmadrid.
 
Ciyaartan ayaa ku bilaabaday si xamaasad leh ayaa waxaa lagu kala baxay 3:2 oo ay ku adkaatay Kooxda Real Madrid kadibna sidaas ku gashay kaalinta labaad halka Barcelona ay ku jirto kaalinta koowaad  iyadoo 5 ciyaarood ka harsantahay gabogabada Horyaalka Spain.
 
Qomadii Sportsga
 
LMA

 

webmaster@ceegaag.com