shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Caanka ah ee Real Madrid ayaa qabatay Hogaanka Horyaalka Spain.

                                                       (Spain,  May 13, 2007, Ceegaag Online) 

 
Kooxda Real Madrid ayaa Caawa Ciyaar xiiso badan kaga adkaatay Kooxda Espanyol 4:3 waxay sidaas ku qabatay Horyaalka Kooxaha Spain.
 
Ciyaartan oo ahayd mid xiiso galisay dadweynihii  daawanayay ayaa waxay ku bilaabatay dardar iyadoo laba kooxood  ay soo bandhigeen ciyaar aad loola dhacay.
 
Weeraryahanka Walter Pandiani ee uciyaara Kooxda Espanyol ayaa u dhaliyay 3 Gool Kooxdiisa daqiiqadihii ( 15, 27, 34)  halka R. V. Nistelrooy uu Gool u dhaliyay Kooxdiisa Real Madrid Daqiiqadii 30 ee qaybtii hore.
 
Real Madrid oo si weyn ugu gacan sareesay qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa dhalisay 3 gool waxaana ukala saxeesay ciyaaryahanada Raul Gonzales, J. A. Reyes & Gonzalo Higuain daqiiqadihii ( 49, 57 89) sidaasna ay ciyaartii kusoo gabagabooday 4:3 oo ay Guushu ku raacday Kooxda Real Madrid  iyadoo u sahashay Guushan in ay  qabato Hogaanka Horyaalka Kooxaha Spain markii ugu horeesay sidii uu ubilaabmay.
 
                                            **********************************
 
Kooxda Sevilla ayaa kaga adkaatay 2:1 Kooxda Recreativo Huelva  waxaana Sevilla goolasha u dhaliyay ciyaaryahanada Maresca & Luis Fabiano halka Goolka kaliya ee Kooxda Recreativo u saxeexay Ciyaaryahanka Munoz .
 
Horyaalka Spain ayaan la saadaalinkarin Kooxda ku Guuleesanasa iyadoo ay ka harsantahay 4 ciyaarood Kooxuhuna ay kala horeeyaan hal hal dhibic.
 
Kala Horeenta Kooxaha
 
     Teams                      P               Points
 
1. Real Madrid              34                 66
2. Barcelona                 33                  65
3. Sevilla                       34                  64
 
 

Qormadii Sportsga
 
LMA
 

webmaster@ceegaag.com