shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Odayaasha Dhaqanka  Beelaha Hawiye oo Khilaaf siyaasadeed soo dhexgalay.

                            (Muqdisho, May 07, 2007, Ceegaag Online) 

Guddoomiyaha guddiga Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ku tilmaamay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Somalia mid aan loo dhameyn isla markaana isaga laga been abuurtay.

Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in aan loo dhameyn isla markaana aysan isku raacsaneyn odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye kulankii shalay ku dhex maray xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.

Cabdi IImaan waxa uu ku eedeeyay Odayaashii kulankaasi ka qeyb qaatay in ay ka been abuurteen isaga ayna Madaxweynaha u gudbiyeen qoraalo uu ku saxiixan yahay taasoo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn.

Mar la weydiiyay khilaafka soo kala dhex galay odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in khilaafkaan uu yimid ka dib markii siyaasiyiin iyo waxgarad uu ka mid yahay Xuseen Xaaji Bood ay guddigaasi la soo xiriireen deetana ay ka codsadeen in kulanka ay la qaadanayaan madaxda sar sare ee dowladda uu noqdo mid ay u wada dhan yihiin qeybaha kala duwan ee odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye.

Waxa uu sheegay in la isku khilaafay arinkaasi, isla markaana isagoo shir gudoonka odayaasha beesha Hawiye ah uu ku taliyay inta aan la xalin khilaafkaasi in uusan dhicin shir lala yeesho madaxda sar sare ee dowladda KMG ah.

Hadalka Xaaji Cabdi IImaan ayaa muujinaya khilaaf xoogan oo dhinaca fikirka ah oo soo kala dhex galay odayaasha Beelaha Hawiye.                                              

 

webmaster@ceegaag.com