shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Quursi iyo Takoor Qarnigii wuu Dhacay

(London, Mar 06 2007, Ceegaag Online) 

Noocyadda Cunsuriyadda oo Qaabab iyo Magacyo kala duwanleh ayaa Aduunkan Soo Maray oo Ummado, Qoomiyado Soo maray Rafaad iyo Dhibaatooyin fara badana lagala soo kulmay Xiliyaddii Jahligga iyo dulmigu Aduunka ku baahsanaa, waana Qarniyo ama Waqti lagu qoray bogaga Madoow ee ka midka ah Taariikhda Aduunyadda.
Habka Cunsuriyadda ayaa ah mid eey si weyn u diidan yihiin Diimaha Samaawigga ah oo Diinta Islaamka ee Xanaafka ahi ugu horeeyso iyadoo qireeysa si qeexana u sheegeeysa in Dadku Siman yihiin Quursigga iyo Takoorida iyo Xaquuq Dulmintuna Dambi weyn tahay Qofkuna Dhasho isagoo Xor ah, Quursigga Isirka ku Saleeysan ayaa ah Nooca Loo Yaqaano Adoonsigga(Al-Cubuudiya) Dadkuna waxeey Adoomo u yihiin Allaha Waaxidka ah oo Keliya, Laakiin Habka Quursi iyo Takooridda Dalka Somaaliyeed looga dhaqmo ayaa ah nooca uga xun ugana dhibka badan waana Xaqiraad iyo Xuquuq duudsiin qiil loo heyn, waana fal dambiyeed laga gelaayo Bulsho Culeeyskood leh, Maqaamkooda, Xurmadooda, Sharftooda leh Tirro ahaan Miisaan Weyn leh.
 
 
Culimaa,udiinka Somaaliyeed ayaa looga Baahan yahay gudashadda iyo garashadda doorkooda Masuuliyadeed iyo Akhlaaqeed ee ka Saaran Wacyi gelinta iyo Xaqiiqo u Sheegida Ummadda Somaaliyeed iyo ku Boorinta ku dhaqmidda Sidda Diintu Dhigeeyso oo laga Gudbo Khuraafaadka iyo habka Dhaqameedka Beenta iyo Baadilka ku Dhisan oo laga Dhaxlay Dadkii Horre ama Awoowayaasheen, Aabayaasheena ku Dhaqmeen, inteena badana hadda ku dhaqano, iyadoo la wadda ogyahay in eey tahay Caadho iyo hab dhaqmeed Xadgudbid iyo dulmi ku Saleeysan.
 
 
Hoggaan Dhaqameedka Somaaliyeed oo ah Aabaha iyo Hooyadda Ciladdan iyo Dhibaatadan ayaa loo baahan yahay in eey bedelaan oo ka baxaan hab dhaqameedka Duligga ah, Cudurka ah una gudboon Xaqiiqo ku dhaqmidda iyo hanaanka Dadnino wanaaga oo si cad u tilmaan uga bixiyaan Xagudubyadda baaxadda weyn leh ee loo geeyso Dadka la Heeyb-Sooco iyo in Weliba Hoggaan Dhaqameedka Somaaliyeed Horseed ka Yihiin amana ahaan jireen Hirgelinta Quursigga iyo Takoorka, Raali Gelina ka Bixiyaan, isla markaana waddo Cusub Ummadda u Horseedaan oo sidda ku haboon ula dagaalamaan Dulmigga, Cunsuruyadda, Quursigga, Takoorka iyo Xuquuq Duudsigga lagu Hayo Qoomiyadda Gabooyaha Somaaliyeed.
 
 
Aqoomyahanka Somaaliyeed intooda Damiirka Nool leh, dadnimadda leh, Caqligga fiyoow leh, Wadaniyadda dhabta ah leh, diinta leh ayaa Maanta la soo gaaray xiligii eey xilkooda dadnimo iyo qarameed iyo Qof ahaaneeba gudan lahaayeen, kana guban lahaayeen gefka iyo dulmiga
iyo Xaqiraada joogta ah ee lagau Hayo Dadka la Heeyb-Sooco, Maxeey Aqoonta iyo Cilmigu Faa,iido ah ooy leeyihiin Hadii aanay kuu kala tilmaameeyn Xumaanta iyo Wanaaga, Xaqa iyo Dulmigga, Aqoonyahana Somaaliyeed ayaa ah Dadka xor ah oo madax banaani buuxdda leh
isla markaana Garaakooda iyo damiirkooda kaashadda, sidaas awgeed laga Sugaayaa la Imaanshaha hab Cusub oo Lid ku ah Falalka Foosha Xun ee Quursigga iyo Takooridda iyo in eey Cilmiyan u Qeexan una Soo bandhigaan Waxshinimadda iyo xadgudubyadda waaweyn ee eey leedahay Qadiyadda ama habka Quursi iyo Takoorid ku dhaqmidda ka jirra Dalka Hooyo.
 
 
Uruuradda Haweenka iyo Dhalinyaradda Somaaliyeed ayaa ah Aqlabiyadda Mujtamaca Maanta isla markaana Doorkoodu si cad u muuqdaa Gudaha iyo Debadda Dalkaba weeyna ka Seexdeen si cadna u dhinac mareen Masuuliyadda weyn oo ka Saaran la dagaalanka Dhaqankan Foosha Xun ee Ummadda ku Dhaqmeeyso, iyadoo la wadda ogyahay Dadka uu Sidda Tooska u Saameeyaa yihiin Haweenka iyo Dhalinyaradda Soo Koraaya oo ah kuwa Berri Dalka iyo Dadka Somaaliyeed Mustaqbalka hoggaamin doonaa, Haweenka ayaa looga Baahan in eey Codkood sheegaan oo gacan weyn siiyaan Walaalahooda Haweenka Beelaha La Heeyb-Sooco Sidda Gabooyaha oo ah kuwo Dhinac walba kala siman oo weliba Dhanka Jamaalka ama Quruxdda Safka horre gelaaya, Xurmo iyo Sharagfna leh hadana Quursi iyo Takoorid Dhaka Guursigga ah lagu hayo, Waa Yaab, Waa Yaab, Labadan Qeybood ayaa ah kuwa Codkoodu iyo Dhaqdhaqaaqoodu saameeyn weyn u yeelan karro wax ka bedelidda iyo baabi,iinta Hab dhaqameedka Somaaliyeed.
 
 
Jaaliyadda Somaaliyeed ee Qurba jooga ah  oo la oran karro weey ka Xadaarisan tahay kuwa Gudaha jooga ayaa hadan gabay doorkoodii kuna dhaqma hab Cunsuriyeedka foosha xun ee Quursigga iyo Takooridda, iyadoo la oran karro waxaa ku kordhay Aqoon Cilmiyeed iyo Waayo Aragnimo weyn isla markaana waxaa naxdin weyn leh sababta eey ugu afduuban yihiin Dhaqmo baadil ah, dulmi ah, Xaaraan ah, hab Jaahili ah oo loo geeysanaayo Dad eey isku Xuquuq yihiin, Dhanka Dadnimadda iyo Qoomiyadana Walaalo yihiin, oo eey ogyihiin in Falalkaasu ka Soo hor jeedaan Dadnimadda iyo Dhammaan Diimaha iyo Qawaaniinta Caalimigga ah, Aduunkuna Mar horre ka Gudbeen, Jaaliyadda Somaaliyeed iyo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed ayaa Ehel u ah Falalka Foosha Xun iyo Hab Dhaqameed Cusnsuriyad ku Saleeysan oo Aduunka Laga Suuliyeey.
 
 Dalka Somaaliyeed ayaa Hooy u ah Quursigga iyo Takooridda Basharka oo Alle Abuuray Iyagoo Xor ah, Balse Dadka Somaaliyeed Hab Gumeeysi iyo Xuquuq dulmin iyo Xaqiraad weyn ku Hayaan, Waana Ayaan Darro weyn in Xiligan Weli Cunsuriyad, Quursi, Takoorid, Xuquuq Duudsin iyo Xaqiraadi ka Jirto Dalka Somaaliya, iyadoo la ogyahay in Somaalidu Tiraahdo- Dadka Somaaliyeed Waa Walaalo, Isku Diin, Isku Luqad iyo Isku Dhaqan Waana Arrimo Been ku Saleeysan Waayo Dadka isku Dhaqanka ah oo Isku Diinta ahi Hababka Aadaminimadda ka Baxsan kuma Sameeyeen Walaalahood iyo Qeyb Bulshadda Somaaliyeed ka mid ah oo Weliba Doorkoodu Muuqdo.
 
 
Gunaanadka Maqaalkan, Somaaliyeey Walaalayaal Qurrsi, Takoorid, Xuquuq duudsi, Dulmi iyo Xaqiraadda, Xadgudubyadda iyo Baadil ku Dhaqmidda iyo Dhammaan Falalka Foosha Xun ee Qarniyadda badan lagu soo dhaqmaayeey weey Dumeey, weeyna dhamaatay Xiligoodii, Waxaana la Soo Gaaray Xiligii loo gudbi lahaa Xaqiiqo ku dhaqmidda, Run ku Dhaqmidda iyo Hanaan Cadaalad yo Sinaan ku Saleeysan oo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Yeelato Dagaal Dhaqameed waa in lagu qaado Quursiga iyo Takooridda Foosha Xun ee Dalkeena Hooyo ka Jirra.
 
 
 -Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-England-UK- 05/03/2007.

 

webmaster@ceegaag.com