shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Caanka ah ee Real Madrid ayaa Hanatay Koobka Horyaalka Spain.

 (Madrid Spain,  June 18, 2007, Ceegaag Online)

Kooxda Real Madrid ayaa kaga adkaatay Kooxda Mallorca 3:1 sidaasna ku hanatay Koobka Horyaalka Spain markii 30aad sidii loo bilaabay sanadku markuu ahaa 1928.

Holyaanka Spain ayaa labadii bilood ee tagay xiisihiisu sii kordhayay ilaa Ciyaartii u dambeesay ee caawa  lagu kala qaado, iyadoo Real Madrid aysan qaadin afartii sano ee udambeesay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Mallorca waxaa Gool u dhaliyay Ciyaaryahanka Varela, sidaasna lagu kala nastay 1:0 Real Madrid oo ku gacan sareesay Ciyaarta inteeda badan ayaa J A Reyes Goolka koowaad iyo ka sadexaad  u dhaliyay halka Ciyaaryahanka u dhashay wadanka MALI ee Mahamadou Diarra u dhaliyay Goolka labaad sidaasna ay ciyaartu ku dhamaatay 3:1 oo ayna Real Madrid ku hanatay Koobka Horyaalka Spain.

Ciyaartan  caawa waxay ahayd  mid lagu sii sagootinayo Labada Ciyaartooy ee kala ah Roberto Carlos iyo David Beckham oo ka tagaya naadiga Real Madrid.

Waxaa caawa ciyaarta goobjoog ka ahaa jilaaga caanka ah ee Tom Cruise iyo xaaskiisa Katie Holmes oo u yimid in ay taageeraan saaxiibkooda David Beckham iyagoo ag fadhiyay Xaaskiisa Victoria Beckham, halka ciyaaryahanka Teniska ee Rafael Nadal  uu isna taageero buuxda siinayay saaxiibadiisa Raul iyo Iker Casillas oo labada uciyaara Kooxda Real Madrid.

Daawo sawirada.

LMA

bernabeu_nabil@hotmail.com

www.ceegaag.com 

                                                                              

webmaster@ceegaag.com