shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Brazil oo kaga adkaatay Argentine 3:0 kuna Guuleesatay Koobka Qaarada Latin America.

                                                       (Maracaibo, Venezuela,  July 16, 2007 Ceegaag Online)

Wadanka Brazil ayaa ku guuleestay Koobka Qaarada Latin America, markii ay Wadanka Argentine kaga adkaadeen Sadex Gool iyo Eber .

Ciyaarta oo socota 4-daqiiqo ayuu Julio Baptista Gool aad u qurux badan u dhaliyay Wadanka Brazil,  halka gool (own Goal) uu iska dhaliyay  Difaaca Argentine ee Roberto Ayala daqiiqadii 39 taas oo lagu kala nastay  qaybtii hore 2:0

Wadanka Argentine ayaa si weyn ugu gacan sareeyay ciyaarta qaybteedii hore inkastoo qabtii labaad ay u muuqdeen ciyaaryahanada Argentine kuwa far dhaqaajin la’, daqiiqadii 69 ayaa Brazil waxaa Goolkii sadexaad u dhaliyay Daniel Alves.

Brazil ayaa laba jeer oo isku xiga  Final kaga adkaatay Wadanka Argentine iyadoo Quburo ku xeel dheer Kubada Cagta ay saadaaliyeen in Argentine ku guuleesan doonto Koobkan maadaama ayay Yiraahdeen Brazil ciyaaryahanadeedii ugu Fiicnaa sida Kaka, Ronaldinho, Ronaldo, Adriano iyo Ze Roberto aysan ka qayb galin Koobka Qaarada Latin America.

Wadanka Argentine ayaanan qaadin Koob caalami ah mudo 14 sanno .   

                                        ********************************

Wararkii u Dambeeyay iyo Suuqa kala gadashada Ciyaartooyda.

Kooxda heysata horyaalnimada Spain ee Real Madrid ayaa rajo weyn ka qabta iney lasoo wareegaan xidiga qadka dhexe ee Kooxda Villareal ee u dhashay wadanka Argentine Juan Roman Requelme.

                                        ************************************

Kaka iyo Ronaldinho oo ahaa ciyaaryahanada ugu cad cadaa suuqa kala gadashada ciyaartoyda ayaa u muuqda in midkoodna uusan ka tegi doonin kooxdiisa ugu yaraan xili ciyaareedka soo socda.

LMA

bernabeu_nabil@hotmail.com

Daawo Sawirada: 

  

webmaster@ceegaag.com