shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maanso – Damiirlaawayaashii

 

(Baydhabo, Jan 03 07, Ceegaag Online)

Damiirlaawayaashii dalkoodoo amxaar gubey

U dabaaldegaayee mashaxardda ugu darayow

duxda aad ka dheeftaan, dawada aad ka helysaan

ayaan aniga iga degin!

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Kursiga nimanka doonee

qalbigu daxalka yeeshee

danta gaarah mooyee

wax kaleeto aan deyin

 waxa igala sii daran

daryeel midaan ku qabinoo

cidiba aanay diranoo sacab

iyo durbaan tumid weligii la dabagala!

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Dulmar weeye taasiye

bal aan hoos udaadego

cadowgaagii daa’iman

dunidu wada ogsoonayd

ninkii diirka kaa neceb

dakanooyin kaa qaba

badhkaa hore udegeshaday

duulaan ha kugu galo

 adna daacad ugu noqo

ma wax loo dulqaataa?

 

@@@@@@@@@@@@@@@

 

Da’yartii barbaartii

daafaca dalkoodiyo

diintooda sharafta leh

duubka cas uqaatee

dadweynuhu ku raaceen

inkastoy degdegayeen

dadka qaar siduu qabo

 dabbaabaad in lala dhaco

 Malez oo dilaal ihi

si uu dalaggii ugu helo

kumaan baan kasoodiley

 waana dabagalaayaa

dunida ugu baaqaa,

nin inuun damqanayoo

jiidhku uu dubaaxshow

miyay kaa degaysaa?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Maatada dayacanee

 daadku uu lategeyee

geedaha dulsaarayd

daryeel gacal u baahnayd

diyaaraadka xabashida u dir

oo halaayeen

beledweyn duqayntiyo

xamar daafaheediyo

 ballidoog docdeedaa

ma wax daah lasaaroo

 dadku qaadankarayaa?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Waa su’aal da’weynoo

aan daliil u waayee

 raga degeladoodiyo

shacabkooda daalee

 colaaduhu dulleysteen

ku dalbaday shisheeyow

dawlad yaad u noqotaan

dadse yaad xukumaysaan?

 

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Anigu daastey hadlkee

 waxaad kala danbeysaan

waa diraacdan maantee

cadowgaad dugsaneysaan

 beriba waydin dooxiye

taariikhda duugga ah

ninba doorka uu galo

diiwaan halagu qoro.

 


Waxaa Tiriyay Cismaan Maxamed Cilmi (garoowe)  Boston, USA (garoowe1@yahoo.com)

 

webmaster@ceegaag.com