shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladu Dhaqaalle, Yurubna Shuruudo, Mareeykankuna Duqeeyn

(Soomaaliya, Jan 26 07, Ceegaag Online)

  -Dowlada Faderaalku Dhaqaale ayaay rabaan, Xal Siyaasadeedna
Ma hayaan iyo hanaan dib u heshiisiin ah,Ururka Yurub Shurudo adag
ayeey wataa, Mareeykankuna Duqeeyntii Cirkii ayuu Wadaa, Kooxo yarna
Iska caabiinta Itoobiyaanka, Dadweynoow maxaa xal ah, Amarka Allena
Meeshiisa.
 
        -Sida muuqata Qorshaha Dowlada Federaalka Somaaliyeed ayaa u
muuqata ama cadaan ah in hadafkeeda kowaad yahay habkii eey ku
Heli laheyn Dhaqaale ama taakuleyn Dhaqaale habka caawimada ah oo
eey si weyn ugu ololeeyneeyso, iyagoo qiilka ka dhigaaya habka ama
Hanaan lagu wadaayo howlaha Dowladeed iyo qorshayaasheeda oo ah
kuwo aan sida ku haboon u cadeeyn, lamana garan karaayo arrimaha
Ahamiyada leh, inkastoo madaxda Sarre sheegaan dhanka Amaanka iyo
Xasiliinta Caasimada Qaranka oo hada eey gacanta ku hayaan Ciidamo
Itoobiyaan ah iyo Xoogaga Dowladda oo tabartoodu xadidan tahay oo
si weyn uga gaabineeysa hanaanka wanaagsan iyo wada toosan ee lagu
Xalin karaayo arrimaha Cakiran ee Somaaliya, Hogaanka sare oo liita
Barlamaanka oo magac u yaal ah iyo hay'adihii maamulka oo maqan,
Kalsoonidii Shacabka oo lunsan, taageero qabyaaladeed iyo cudurka
Reernimada oo xoogan iyo habka Farsamo u kala xoogsiga oo socdda,
Xisaabtankuna maqan yahay, Qorshaha Hub ururin been beenta ah oo
Weliba Degaamo gaar ah khuseeya, Su'aalo badani ka jiraan, Guud ahan
Dowlada Federaalka waxaa heeysaa Tallo iyo Qorshe Xumo.
 
         -Ururka Midoowga Yurub oo shuruudo adag ku xiray Kaalamadda
Dhaqaale ee uu bixinaayo, kuwaasoo labo waji leh:-Midka koowaad-
Xaq aheey u leeyihiin in eey la yimaadaan shuruudo adag habka iyo
Meesha uu gelaayo dhaqaalaha eey dhiibaayaan,hanaankiisa maamul
Iyo guud ahaanba wixii khuseeya, sidoo kalle weey ka hadli karaan
kana dhiiban karaan aragtidooda ku wajahan Talaabada Xukunka Deg-
dega ah oo ku saleeysan ama ka turjumi karaaya habka Nidaamka ama
Awood maruursiga Shakhsi keliya(kali-Taliyenimadda), Laakiin marka
la eego nidaamka Dowliga ah iyo habka Xiriirka Diplolaasiga xaqa
uma yeelan karaan fara-gelinta arrimaha Gudaha Dowlada Somaaliyeed
laakiin waxaa u furan tallo soo jeediin iyo dhaliilidba, waana sida
eey hada wadaan oo waxaa soo shaac baxaaya in eey ka noqdeen Arr.
Casilaada Gudoomiyihii Barlamaanka Shariif Hassan, oo markii horre
eey ku adkeeysanaayeen in Xilkiisii lagu celiyo,hadase eey hadalka
Yarre khafiifiyeen, kuna bedeleen waxaa lana haboon in arrintaas
laga fiirsado iyo ereyo la mid ah, mana jiro go'aan rasmi ah oo eey
si mideeysan u gaareen,waxaan filaayaa in eey maal-gelin doonaan
Ciidamada Afrikaanka ah oo Dalka Somaaliya Imaanaaya.
Diyaaradaha dagaalka AC130-Arrinta Sadexaad oo dhibaatadeeda weyn
leh, xanuunkeeda iyo xad-gudubkeeda ayaa ah Duqeynta Dayuuradaha
Mareykanku ku hayaan Degaamada Jubada Hoose iyo xasuuqa joogtada
ah oo eey u geeysteeyn Dadka rayidaka ah iyo Xoolahoodaba, Sabab
La'aan iyo aamuska Caalamka, Halka Madaxda Sare ee Dowlada Somaalia
Si weyn raali uga yihiin,iyadoo qiilku yahay gumaadka Maxaakiintii
Gaar ahaan Hogaamiyaashii qaar ka mid ah iyo Shakhsiyaad Ajnabi ah
oo la sheego in eey la socdeen,xaqiijina loo heyn, talaabo qalafsan
iyo gardaro cadaan ah, waana mid cawaaqib xumadeeda keeni doonta oo
eey Masuuliyadeeda iska leeyihiin C/Laahi/Geedi iyo raxanta ku
Xeeran kuna Magacaaban Wasiirada iyo Xildhibaanada,Taariikhda ayaa
Qoreeysa Fal dembiyeedka iyo Xasuuqyada la geeysteey iyo kuwa weli
Socdda.
 
     Sidoo kalle waxaa dhaliisheeda leh Weerarada gaadmada ah oo
ka socda Caasimada Muqdisho, gaar ahaan kuwa lala beegsanaayo ama
ku wajahan goobaha Dadweynuhu ku sugan yihiin ama ahamiyada weyn
u leh guud ahaan bulshada Somaaliyeed oo eey ka imaan karaan dhib
saameeya dadka rayidka ah, laakiin waxaa xaq ah iska caabinta guud
ahaanba Weerarka iyo xadgudubka Ciidmada Itoobiyaanka oo ilaa hada
Geeysteey khasaarooyin iyo tacadiyo dhoowr ah, falal dil ah sabab
la'aan,mana jirto dowlad ama awood dowladeed oo lagu xakameen karo
Talaabooyin khaldan ee Ciidamada Itoobiyaanka, anigu shakhsiyan si
weyn ayaan uga soo hor-jeeda Itoobiyaanka iyo Qorshahooda Gumeeysi
oo eey Fulinaayaan kuwa Madaxa Sare ee Somaaliyeed sheeganaaya ama
ahba Madaxda Dowlada Federaalka ah,sidoo kalle waxaan ka soo hor-
jeedaa wixii Nabadgelyada guud khal-khal gelin karaayo,Dadweynaha
Dhibaato u soo hooynaaya, waxaana haboon in la sameeyo banaan baxyo
hab Nabadeed ah oo lagu diidan yahay Joogitaanka Ciidamada Zanaawi
iyo Qorshaha Gumeeysiga Itoobiyaba,Diidneey oo diidnay Qorshaha
Zanaawi Iyo Talaabooyin Gumeeysi oo Qarsoon, Diidneey Hoos joogida
Qushaasha Tigreega liita, Diidneey Dulmiga iyo Talo Xumaanta Socota
Diidneey oo diidneey.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-26/01/2007-

 

webmaster@ceegaag.com