shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda AC Milan ee Dalka Italy ayaa ku Guuleesatay Koobka Naadiyada Qaaradaha Aduunka.

(Yokohama, December 16, 2007 Ceegaag Online)

Kooxda AC Milan  ee Dalka Italy oo ka socotay Qaarada Europe ayaa ku Guuleesatay Koobkii Qaaradaha Aduunka ( FIFA World Club Championship) oo ka dhacay  Magaalada Yokohama ee wadanka Japan.

Kooxda AC Milan ayaa Kaga adkaatay Kooxda Boca Junior ee Wadanka Argentina 4:2 sidaasna ku Hanatay Koobka.

Tartankan oo ahaa mid ay isku arkeen Naadiyada lixda Qaaradood Aduunka ee Horyaalada ah, sidoo kale Kooxda Urawa Red Diamonds ee ka socotay Qaarada Asia ayay kaga adkaatay Kooxda Etoile du Sahel oo iyadu ka socotay Qaarada Africa  4:2  ciyaartii loogu tartamayay kaalinta sadexaad.

Ciyaarta kadib ayaa waxaa Abaal Marino la Gudoonsiiyay Sadex Ciyaaryahano oo loo doortay in ay ugu Wanaagsanaayeen Tartanka intii uu socday Ciyaaryahanda ayaa kala ah

  1. Kaka oo la Gudoonsiiyay Kubad Dahad ah
  2. Seedorf oo la Gudoonsiiyay Kubad Qalin ah
  3. Rodrigo Palacio oo la Gudoonsiiyay Kubad Naxaas ah

Difaaca Caanka ah ee Paolo Maldini oo Shir Jaraa’id qabtay Ciyaarta kadib ayaa Shaaciyay in Xili Ciyaareedkan 2007/08 uu Noqondoono kii ugu dambeeyay ee lagu arko Garoomada isagoo u Mahad Celiyay Kooxdiisa AC Milan sheegayna in uu Bisha June Sanadka 2008 uu si toos ah uga fadhiisan doono Ciyaarista Kubada Cagta.

LMA

bernabeu_nabil@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com