shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bulsho siday ku hor mari kartaa?

                                                       (Somalia,  August  04, 2007 Ceegaag Online)

Asalaamu caleeykum warax matulaahi wa barakaatu
 
Ugu horeyn waxaaan halkaan ka salaamayaaa dhamaan umada soomaaaliyeeed ee ku kala nool dunida daafeheeda waxaanan u rajeeynayaaaaa ( cizi,sharaf, guul, caafimaad, wanaag, barwaaqo, badhaadhe, xasilooni, hodannimo,badbaado, caruur, aduun, janno, iimaan, nafsamaan, alle kacabsi, cumri dheer iyo cibaado, aamiiin.


intaa kadib sida la wada ogyahay ilaaheey markii uu abuuray umadan waxa uu u sameeyay ama uu ukala yeelay qabaa,il xikmada uu ilaaheeey kalahaaa waxay ahayd in ay umada isku gartaaaan laakiiiin qaar ka mid ah umada soomaliyeeed ayaa iyagu waxa ay aaminsanyihiin inay bulshadu ku hor mari karto qabiil iyo qob qob taasina runtiii waaa guul darrro waayo mar waloo umadu qabiil qabiil ukala baxdo waxaa bulshada ku yimaada hoos u dhac iyo hormar la,aan, hadiii aan usoo dhaadhaco dulucda mowduuca bulsho maxay ku hor mari kartaa? runtii halkan laguma soo koobi karo laakiin waxaan wax ka taaban doonaa dhowr qodob

  1.  in marka hore alle loo noqdo iyo kitaabkiisa iyadoo la marayo wadadii NCSW iyo asxaabtiisa ay mareeeen.

  2. in la helo madax daacad ah.

  3. hufnaaan akhlaaqeed iyo mid dhaqan mar waloo dhaqanku xumaado waxaa yaraada horu marka.

  4. in xukuumada iyo shacabka ay ka dhexeeyso wada shaqeyn iyo daacadnimo waayo shacabku dowlad la'aan ma noolaan karo dowaladuna shacab la'aan majiri karto.

  5. in meesha laga saaro qabyaalada dulmiga iyo cadaalad darrada.

  6. wax barashada oo kor loo qaado sida dugsiyada nidaamiga ah jaamacadaha dugsiyada farsamada gacanta dugisiyada qur,anka.

  7. in aanay xukuumadu cadaadin shacabkeeda waayo mar waloo shacabka la cadaadiyo waxaa lunta kalsoonidii shacabka eee dowlada sidaa darteed ayaad waxaad arkeeysaa xubnihii xukuumada oo aan dhex mari kareenin wadooyinka magaalada ama xukuumada oo ka baqata inqilaab meletiri haba ku badnaato arintaa africa, marka intaa la helo waxaan rajeeynayaaa in wax uun hor mar la gaadhi karo


Waxaan ku soo gaba-gabeeynayaa wixiii iga qaldamay xag sheydaan ayay ka ahaadeen wixii aaan saxayna xag ilaaheey ayay ka ahadeen waxaanan u dardaarmi lahaa dhamaan walaalaha umada soomaaliyeed. isku duubnaan iyo in la is cafiyo oo waliba laga shaqeeyo sidiii horumar lagu gaadhi lahaa maanta waad arkeeysaan waxa ka soconaya aduunyada africa, oo dhan baa la doonayaa in hal dowlad loo sameeeyo yurub baa isusoo uruureeysa soomaali oo sagaal milyan ama wax ka yar ah inay kala go'godo oo ay is qabyaaldeeyso micno sameeyn meyso.


Walaaalkiin

AADAN C/LAHI C/DILLE

  

webmaster@ceegaag.com