shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Real Madrid oo ka adkaatey Barcelona kulankii weynaa ee El Clasico

Naadiga weyn ee R.Madrid ayaa 2-0 ku suldaartey kooxda heysata horyaalnimada Spain iyo kan kooxaha Yurub ee Champions League Barcelona kulan ka tirsan horyaalka dalkaas oo ka dhacay garoonka Bernabeu ee magaalada Madrid.

 

Weeraryahanka ruugcadaaga ah ee Real Madrid Raul ayaa kooxdiisa u suura geliyey iney la wareegaan maamulka cayaarta isagoo gool teesto ah u dhaliyey daqiiqadii 2aad markii uu karoos qurux badan ka helay saaxiibkiis Sergio Ramos.

 

Real Madrid ayaa goolkaas ka dib heshay bilowgii ay u baahnaayeen iyadoo laga dareemaayey ciyaaryahnada Real kalsooni weyn kubada u maamulanaayey hadba sidii ay doonaan taasoo qalqal iyo isku dhex yaac ku abuurtey ciyaaryahandii Barcelona una diiday iney helaan fursado qaali ah oo gool laga filan karay.

 

Barcelona oo si weyn lagaga gacan sareeyey illaa dhamaadkii cayaarta ayaa fursadii ugu weyneyd waxaa ka qasaariyeye ciyaaryahan Eidur Gudjohnsen taasoo uu ciqaabteeda mariyey xidiga weyn Van Nisterlooy oo goolkii 2aad u dhaliyey R.Madrid ka dib markii uu kubad dib ah ka helay Robinho.

 

Barcelona oo labadii sano ee lasoo dhaafey kaga adkaatey Real garoonkooda Santiago Bernabeu ayaa aad loo dareemaayey iney tabeen gooldhaliyaha reer Cameroon Samuel Eto`o oo inta badan kulamada uu la yeesho kooxdiisii hore e Real Madrid ka dhalin jirey goolal aad u qurux badan.

 

Guul darada caawa ka sokoow weli Barcelona waxey hogaanka u hayaan horyaalka inkastoo ay isku dhibco yihiin naadiga valencia oo dhankooda 1-0 ugu awood sheegtay kooxda Usasuna iyadoo halka goolna uu u saxiixay David Villa oo xiliyadaan dambe shabaqa saaxiib la noqdey.

Kulamadii Todobaadkaan:

22/10
R.Madrid - Barcelona 2-0
A.Bilbao - Celta Vigo 0-1
Espanyol - R.Santander 2-2
Mallorca - Sociedad 0-0
Sevilla - Gimnustic 2-1
Recreativo - Getafe 1-2
Valencia - Osasuna 1-0
21/10
Deportivo - A.Madrid 1-0
Villarreal - Levante 1-1
Zaragoza - Real Betis 2-1

Kala horeynta kooxaha

1 FC Barcelona 7   16
2 Valencia 7   16
3 Sevilla 7   15
4 Real Madrid 7   14
 
5 Deportivo 7   14
6 Zaragoza 7   13
 
7 Atletico Madrid 7   13
8 Getafe 7   13
9 Recreativo 7   10
10 Celta Vigo 7   10
11 Villarreal 7   9
12 Mallorca 7   9
13 Levante 7   8
14 Osasuna 7   7
15 Racing Santander 7   6
16 Espanyol 7   6
17 A. Bilbao 7   5
 
18 Real Betis 7   4
19 Gimnustic 7   4
20 Sociedad 7   2

 

webmaster@ceegaag.com