shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciyaarihii  Isreebreebka Wadama Europe ee loogu soobaxayay  " Euro 2008"  ayaa Caawa la isku haleelay sidan soo socota

 
Ciyaarahan oo ah kuwo loogu soo baxayo Tartanka qaarada Europe ee la qabandoono sanadka 2008 si wada jir ah na ay uwada martigalindoonaan wadamada Switzerland & Austria .
 
 
Group A : waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Kazakhstan 0 - 1  Poland
Armenia      0 - 0  Filand
Serbia         1 - 0  Belgium
Portugal      3 - 0 Azerbaijan
 
Ciyaartii ugu xiisaha badneed Group A waxay ahayd tii dhexmartay Portugal  Vs Azerbaijan oo laacibka da'yar ee C. Ronaldo ee uciyaara Kooxka Mancherter United ee Dalka England ayaa wacdaro ka muujiyay isagoo u saxeexay wadankiisa Portugal 2 Goal oo aad uxiiso galiyay dadweynihii daawanayay ciyaartaas.
 
Group A waxaa Ugu sareeya xaga dhibcaha wadanka Serbia oo ku hogaamineesa 7 Points  waxaana ku xiga Filand oo leh 5 points.
 
Group B  waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Faroe island 0 -1 Lithuania
Scotland       1 - 0 France
Italy                2 - 0 Ukraine
 
Group B ciyaaraha xiisaha lahaa waxaa ka mid ahaa tii dhex martay Kooxda qaranka ee Dalka France oo looga adkaaday 1:0 waxaana ka badiyay Kooxda qaranka ee Dalka Scotland Goalka qudha waxaa Scotland u dhaliyay Ciyaaryahanka lagu magacaabo G. Caldwell.
 
Group B waxaa Ugu sareeya xaga dhibcaha wadanka Scotland oo ku hogaamineesa 9 Points  waxaana ku xiga France oo leh 6 points.
 
Group C  waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Moldova  2 - 2 Bosnia-Herzogovia
Hungary  0 - 1 Turkey
greece    1 - 0 Norway
 
Group C Turkey ayaa Gurigeeda kaga adkaatay Kooxda wadanka Hungary taas oo ay Hogaanka Group C min 6 Points kaalinta Koowaad ayay isku haystaan Kooxaha wadamada Turkey, Greece & Norway.
 
Group D  waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Wales                  1 - 5    Slovakia
Czech Republic  7 - 0   San Marino
Cyprus                 5 - 2    Ireland
 
Group D waxaa Ugu sareeya xaga dhibcaha wadanka Czech Republic oo ku hogaamineesa 9 Points  waxaana ku xiga wadamada germany & Slovakia oo min 6 Points. 
 
Group E   waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Russia    1 - 1 Isreal
England  0 - 0 Macedonia
Croatia   7 - 0 Andora
 
Group E  England & Isreal ayaa min 7 Points ku wada hogaaminaya.
 
Group F  waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Denmark 0 - 0 Northern Ireland
Latvia      4 - 0 Iceland
Swedeb  2 - 0 Spain
 
Group F waxaa Ugu sareeya xaga dhibcaha wadanka Sweden oo leh 9 Points waxaana ku xiga Denmark oo leh 4 points.
 
 
Group G  waxaa ku wada jira wadamadan waxayna ukala badiyeen sidan soo socota.
 
Romania  3 - 1 Belarus
Bulgaria   1 - 1 Holland
Slovenia   2 - 0 Luxemburg
 
Group G waxaa Hogaanka u haya labada Dal ee Holland & Romania oo min 7 Points ku wada Hogaaminaya.
 
Ciyaaraha kale ee Euro 2008 - (qualifiers) ee dhicidoona waan idiin soo gudbindoonaa Hadii ALLE idmo.
 

 

Qormadii Sports.

webmaster@ceegaag.com