shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
 

Kooxda Internacional ee Dalka Brazil oo ku Guuleesatay Koobkii naadiyada Qaaradaha Aduunka.

 
Kooxda Internacional ee Dalka Brazil oo ka socotay Qaarada Latin (South) America ayaa si lama Filaan ah ugu Guuleesatay Koobkii Qaaradaha Aduunka ( FIFA World Club Championship) oo ka dhacay  Magaalada Yokohama ee wadanka Japan, iyadoo 1 : 0 ugu awood sheegatay Kooxda Fc Barcelona oo iyadu ahayd Kooxda Horyaalka Qaarada Europe waxaana Goalka qudha u saxeexay Kooxda internacional Ciyaaryahanka L. Adriano daqiiqadii 81 .
 
Dadka Ciyaaraha falan qeeya & dhamaan taageerayaasha Qaarada Europe ayay Ciyaartii Maanta looga adkaaday FC Barcelona mucjiso ku noqotay taas oo inta badan la filayay in ay Barcelona ku Guuleesandoonto, maadaama Sanadkii Hore Kooxda Liverpool oo ka socotay Qaarada Europe isla Koox ka socotay Qaarada Latin America oo lagu magacaabo Sao Paulo ugu awood sheegay 1:0 taas oo Barcelona Cadaadis badan kaga imanayay in ay Koobka kusoo celiso Qaarada Europe Laakiin ma aysan dhicin.
 
Tartanka oo ahaa mid ay iskugu yimaadeen Naadiyada lixda Qaaradood Aduunka ee Horyaalada ah , kuwaas oo kala ah :  Al Ahly ( Africa) , Internacional ( Latin/South America), CF America ( North America) , FC Barcelona ( Europe) , Auckland City FC ( Ociana) & Jeonbuk FC ( Asia).
 
sidoo kale Kooxda Al Ahly ee ka socotay Qaarada Africa ayay kaga adkaatay Kooxda CF America oo iyadu ka socotay Qaarada North America 2 : 1 ciyaartii loogu tartamayay kaalinta sadexaad.

Qormadii Ispoortiga.

webmaster@ceegaag.com