shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirkii hore ee amniga Puntland General C/laahi Saciid Samatar oo Boston Soo gaadhay Caawa

(Boston,  April 01,  2010 Ceegaag Online)

General C/laahi Saciid Samatar oo booqasho gaaban ku yimid waqooyiga Ameerika ayaa caawa kasoo degay gagida diyaaradaha ee Logan Airport.

Genaralku wuxuu u yimid shir ay ka qayb galayeen 13 dowladood, shirkaas oo ku Saabsanaa xasuuqa iyo  xad gudubyada ay ku kacaan dowladaha mucaaradka leh ama wadamada  ay ka  aloosan yihiin dagaalada sokeeye,

Generalka ayaa hore u ahaan jiray ku xigeenka Ciidamada amaanka ee qarankii Soomaaliya ugu danbeeyay, wasiirka oo ah nin shariciyaqaan ah waxna ku bartay wadanka Talyaaniga ayaa waxaa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii dawlad goboleedka Puntland.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeedin doona qudbado uu uga xog waramayo xaalada dalkii hooyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Daawo Sawirada Soo Dhaweenta General C/laahi Saciid Samatar ee Boston

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com