shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

SNM waa koox ee maaha Beel ama Qabiil(dareen celin qoraal hore )

(Soomaaliya,  March 24,  2010 Ceegaag Online)

 

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona  ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

Inta aanan qoraalka u gelin waxaan jecelahay inaan idin xusuusiyo in aan qoraalkii hore ee cinwaankiisu ahaa:( S/Guud Maxamed Cali Samatar waa lama taabtaan iyo astaanta qaranimo), aan ku xusay dembiyada dagaal iyo xadgudubyo baahsan oo ay ka gaysteen gobolada woqooyi, ururka argagixisada iyo budhcada ah ee SNM, waxaan ku xusay qoraalkaa asluubaha ay adeegsan jireen, ee bini aadamnimada ka baxsan, waxaan sheegay in ay dhacdooyinkaasu yihiin kuwa dhab ah oo leh

Markhaatiyaal cad, oo aan cidna inkiri karin ama diidi karin, hadaba waxaan idiin sheegayaa in aad dhowaan ka daalacan doontaan warbaahinta caalamka iyo tan Soomaalidaba,warbixino aan kaga hadlayno dhacdooyinkaa iyo cadaymahooda, waxan kaloo soo dhowaynaynaa iyada ay gobolada woqooyi yihiin dhul balaadhan, oo aanaan meelaha qaarkood xogo sugan ka hayn, ayaan soo dhowaynaynaa cidii haysa xogo sugan, oo aan ku tiri ku teen ahayn, oo ku saabsan xadgudubyada iyo dembiyada dagaal ee ay kooxdan budhcada gacan ku dhiiglayaasha ahi u gaysteen shacabka goboladaa dega.

SNM waa koox ee maaha Beel ama Qabiil

Qoraalkaa hore ee aan hada kor ku soo xusay, ayaa dadka qaar u fasirteen si aanan ula jeedin, in kasta oo qoraalka ujeedadiisu aad u cadayd, oo aan markii horeba ka digtoonaa, oo dareemaayay in qaar u fasiran doonaan, in aan qoraalkaa beel ama qabiil gaar ah ku weeraraayo, waayo dee Soomaali baan nahay oo inaan hadalku meel aanu u jeedin aan u jeedinaa waynoo caado, markaa waxaan rabaa in aan kuwaa hadalka meel aan loola jeedin ku jahaynaaya, bal in aan far waawayn ugu qoro cida aan qoraalkaygaa ula

 Jeeday. Qoraalkaa waxaan kaga hadlaayay in dacwadii lagu soo oogay S/Guud Maxamed Cali Samatar, ay tahay shirqool laga soo abaabuleen heerar sare oo ah ururka argagixisada gacan ku dhiiglayaasha ah ee SNM, taas ayaan waxaan raaciyay dembiyadii dagaal iyo xadgudubyadii baahsanaa, ee ururkan argagixisada ahi ka gaysteen gobolada woqooyi. Hadaba waxa laga maarmaan ah, mar haday qaar hadalkaygii u fasirteen si guracan oo aanan ula jeedin, waxa  lagama maarmaan ah, inaan u cadayo far

Waawayna aan ugu qoro, in aanan hadalkayga ula jeedin beel ama qabiil Soomaaliyeed, oo Shiikh iyo Shiriifba leh, beeshan aniga laygaga been abuuranayaa waa beel ummada Soomaaliyeed miisaan wayn iyo qaderin ku leh dhexdooda, waa beel qayba waawayn ka soo qaadatay halgankii dheeraa ee ay ummadu soo martay,waana kuwii horseedka ka ahaa midayntii Jamhuuriyada Soomaaliya, ilaa maantana ay ka mid yihiin raga ugu cadcad ee ku hawlan sidii loo soo celin lahaa qaranimadii

Soomaaliyeed ee ay burburiyeen cadawga ummada iyo kooxo aragti gaaban, oo uu cadawgu u adeegsaday burburinta qaranimadoodii,waa beel ay ka dhasheen halgamayaal iyo wadaniyiin taariikhda Soomaalida baal dahaba kaga jira sida: Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir, Cabdullaahi Suldaan Timacade, Xaaji Aadam Afqalooc, Cabdullaahi Qarshe iyo qayrkood oo aan halkan lagu soo koobi karin, hadaan taas qeexnay, waxaa iyana haboon in aan iyana qeexno ururkan gacan ku dhiiglayaasha ah ee SNM, ururkan

 Argagixisada gacan ku dhiiglayaasha ahina, waa koox leh haykal maamul oo dhamaystiran sida madax, maamul, saraakiil sarsare iyo hoose oo ciidan iwm, hase yeeshee meesha ay sartu ka qudhuntay oo ay ka faa’iidaysanayaan kuwa hadalkayga sida guracan u fasiranayaa, oo ah wax aad looga xumaado, in aan la inkiri karin, in kooxdanu ay ka soo wada jeedaan hal beel oo ah beeshii aan hada soo xusnay, taageerayaal badana ay ku dhex lahaayeen, hase yeeshee taas macnaheedu maaha in ay beeshu  

Tahay SNM, bal waxaa ku jiray beeshaas dad badan oo aad uga soo horjeestay fikirkii gurcnaa, ee ay kooxdanu wadatay ee uun u adeegaayay  cadawga ummada, waqti dagaal iyo colaad qadhaadhi inaga dhexeeyeen, sidaas darteed looma aanayn karo beel dhan waxa ay gaysteen koox dembiilayaal ahi, beesha ka mid baanu nahay iyaguna waa naga mid, dhamaanteena waxaan ka mid nahay qowska Soomaaliyeed ee balaadhan, sidaasna anigu waxaan qoraalkaa kaga hadlaayay koox la yidhaahdo SNM oo ah

Dembiilayaal iyo mujrimiin qanuunka iyo sharcigaba debeda ka ah, kuwaas oo u gaystay shacab Soomaaliyeed xadgudubyo iyo falal  argagixisanimo oo baahsan, anigu waxan ahay muwaadin Soomaaliyeed, oo daafacaaya inta awoodayda ah xaqa shacab Soomaaliyeed oo laga galay dembiyo dagaal, mana aan ku inkirin qoraalkaa in laga galay dembiyo iyo xadgudubyo  beeshaa aynu soo xusnay sida Soomaali badan oo qayrkood ahba looga galay, taas oo aan ku xusi doono qoraalkan mar labaad. Waxaan  kale oo

qoraalkaa ku difaacaayay karaamada iyo sharafta masuul wayn oo ummada ku dhex leh ixtraam, qaderin iyo miisaan culus, aniga oo aan ku difaacayn reernimo iwm, bal maanta haduu ahaan lahaa kan la xagxaganayaa col. Ismaaciil Cali Abokor oo ahaa madaxwayna ku xigeenkii saddexaad ee isla dowladii kacaanka, wadaninimadiisa iyo doorkii uu ka soo qaatay dhisida dalkana, aan marnaba lagu murmi karin, kana soo jeeda beesha aynu hada soo xusnay, sidaas oo kale baan intii awoodayda ah u difaaci lahaa,

Waayo raganu waa astaamaha yar ee maanta ka sii hadhasan qaranimadii Soomaaliyeed ee ay inaga dumiyeen kooxahaas gacan ku dhiiglayaasha ahi, taasna macnaheedu maaha in aan ragan iyo dowladiiba dhamaan lahayn wax dembi ah haba yaraatee, bal way yeelan karaan dembi qof ahaaneed, dowlad ahaana waaba lahaayeen dembiyo, hase yeeshee waxaan muran ku jirin, in wixii ay qabteen toban jibaar ka badan tahay wixii ay bi’iyeen, lamana barbar dhigi karo oo miisaan lama wada saari karo, 

Kooxaha argagixisada ahaa ee iyagu xadgudubyada  iyo dembiyada dagaal ee baahsan ee ula kaca iyo badheedhka ahaa u gaystay shacabka Soomaaliyeed, kuwa duminta uun yaqaan, laakiin haba yaraatee aan waxba dhisi karin, SNM ka dib gumaadkii iyo dembiyadii dagaal ee ay wadanka ka gaysteen, waxa gacantooda si lama filaan ah ugu dhacay gobolada woqooyi qaar, hase yeeshee waxay garan waayeen meeshii ay wax u dhaqaajin lahaayeen, iyo siday wax u maamuli lahaayeen, isla markiibana iyagii shalay

Xaq darada ku heshiiyay baa iska soo wada horjeestay oo xabada isu qaatay, hadaana Allaah ku soo caynaanin, oo u soo dirin Allaah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, maanta gobolada woqooyi waxa ka taagnaan lahaa dhibta iyo jaahwareerka ka jira gobolada koonfurta, laakiin Maxamed Ibraahim Cigaal isaga oo kaashanaya siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka,  tijaarta iyo kalsoonida shacabka gobolada woqooyi guud ahaan, wuxuu ku guulaystay in uu halkaa ka dhaliyo nabad gelyo yaanayba

Ahaan mid caga fiican ku taaganaan ee, taas oo suura gelisay xoogaa horumar ah oo shacabku samayeen, si taasu u suura gasho, talaabadii ugu horaysay ee uu qaaday waxay ahayd, inuu kala eryo kooxdan argagixisada ah, oo ka fogeeyo maamulkii uu markaas dhisay, waayo wuxuu ku qanacsanaa, oo u muuqatay in hadaan kooxdan gacan ku dhiiglayaasha ah meesha laga saarin, aan wax horumar ah laga gaadhayn wax kasta oo laysku dayo dhinac kastaba(dumiyaa ma dhiso).

Hada waxan u jeednaa in maamulkii ka dambayay Maxamed Ibraahim Cigaal ay ku guulaysteen kooxdan argagixisada ahi, inay soo dhex galaan oo awood dhexdooda ku yeeshaan, xisbiyadii shaadhkooda huwanaa ee waqtigaa taagta daraana, ay noqdaan kuwa maanta awood yeeshay oo gilgilay maamulkii uu ka tegay, doonayana inayba talada kala wareegaan, taas oo keentay in hada nabad gelyadii ka jirtay gobolada woqooyi ee aan awelba cagaha fiican ku taagnayn, ay qarka u saaran tahay in ay burburto.

 

Xaqq  yaa u leh in uu qaado dacwadaha dembiyadii dalka ka dhacay?

Dembiyada dagaal, xadgudubyada iyo falalka argagixiso ee baahsan, ee saameeyay wadankeena oo dhan lama soo koobi karo, dembiyadan kuwa ugu xunxun ee badheedhka loogula kacay dadka shacabka ah waxaa gaystay kooxihii hubaysnaa ee argagixisada ahaa, waxaa kaloo soo gelaaya kuwii gacanta ka siiyay ee sababay in kumanyaal kun oo shacab ah la xasuuqo, markii ay kala direen ciidamadii qaranka iyo booliiskii, waxaa kaloo soo gelayaa kuwii dabka hoosta ka hurinaayay, waxa soo gelaysa dowladii,

Dembiyada sidaas u baahsan ee ummadu isu wada haysato, xaqq yaa u leh in uu qaado dacwadaheeda? Horta inta aynaan su’aashaas ka jawaabin aan nidhaahno ummadu guud ahaan, ma garan waayin in dacwado dembiya dagaal ah lagu soo oogo kuwii falalka foosha xun, gumaadka iyo dembiyada kaleba ka gaystay dalka, laakiin se xaalada adag, jaahwareerka iyo shirqoolka debeda, ee cadawgu soo maleegaayo iyo dembiyadii oo aad u balaadhan, oo ummada oo dhami kala wada gashay awgeed, baa waxaa laga

Doorbiday dibuheshiisiin iyo in ummada inta hadhay nabad loo raadiyo, kuwii dembiyada gaystayna Allaah lagu reebo ama loo daayo marka la helo dowlad xalaal ah, oo hanata wadanka guud ahaan, oo iyadu dadka u kala garqaada, oo wixii dembi leh ama lagu tuhmo iyadu dacwadooda qaada, hase yeeshee kooxdan argagixisada ah SNM ee debiilayaasha ah, oo iyagu aad is mahadiyay tan iyo intii ay dowladii dhexe burburtay, caadadooduna ay noqotay iyaga, in hadii ummadu bari u kacdo ay iyaguna

 Galbeed u kacaan, oo ay ka hor yimaadaan wax kasta, oo ay ummadu isku raacdo ama maslaxadeedu ku jirto, ayaa soo abaabushay dacwada shirqool qorshaysan ah, oo ka dhan ah masuul wayn oo ummada miisaan culus iyo qaderin ku dhex leh, taas oo ay kaga soo oogeen wadan shisheeye ah, arintanu waxay dhamaanba ka cadhaysiisay ummada Soomaaliyeed, oo ka xumaatay in hada ummada loo horseedo fidna cusub iyo dhibtii ka taagnayd wadankeena oo debedaha loo raro, waayo nin waliba wuxuu

Daba ordayaa cidii uu ku tuhmaayo in ay ka dambayeen dhibtii soo gaadhay, taas oo aan nin caana ku lulanayn, bal sii uun kordhinaysa ceebihii faraha badnaa ee Soomaalida ugu caan baxay aduunka, hadaba kooxdan fidnada horseeday ee ay soo wakiisheen kooxdaa gacan ku dhiiglayaasha ah SNM, mid ka mid ah oo sita file ay uga buuxaan waraaqo loo soo malmaluuqay, ayaa wuxuu ku andacoonayaa, in ay ciqaabeen oo jidh dil ku samayeen askartii dowladu, wuxuuna u haystaa Gen. Samatar, oo ahaa ragii

Qaranka ugu sareeyay, hadaba imisaa Soomaali la jidh dilay oo la ciqaabay meel kula joogta, oo iska aamusan maslaxad guud awgeed? Muxuu se ka ogaan karaa fal dembiyeed ay askar hoose samaysay ninkii qaranka ugu sareeyay? Ninkanu se arintaa ma uga dacwooday dowladii?  Ama ma u tegay madaxdii sarsare, oo ma uga dacwooday si kastaba ha ku helee, sida dhacday in badan oo dad dulmani u tageen madaxdii dalka arintoodiina wax laga qabtay? Mid kale oo isna file kaa waraaqaha loo soo

Malmaluuqay ku jiraan sita, baa isna ku andacoonaaya inay askartii dowladu kaxaystay aabihii iyo walaalkii sidaasna ilaa maanta lagu la’yahay, Gen. Samatar buuna arintan u haystaa, haye, oo imisaa Soomaali aabayaashood iyo walaalahood la’ ama lalaayay oo iska aamusan duruufaha inagu xeeran awgeed, maxaa adiga kaa duway? Mid kale adigu maba garanaysid waxa aabahaa iyo walaalkaa ku dhacay, meeshuna meel dagaal ayay ahayd, markaa miyaan suura galnimada lagu darsan karin,  

In hoobiyihii SNM tu soo ridaysay uu ku dhacay iyaga iyo askartii wadayba tusaale ahaan? Ummada guud ahaan dhiba badan ayaa soo gaadhay, oo aan la soo koobi karin, waana la wada aamusan yahay duruufaha inagu xeeran awgeed, waxana in la is dacwayo laga door biday dibu heshiisiin, marka maxaa kooxdan iyaga ummada gooni uga saaray?!!! Waxaynu dhamaanteen wada ognahay in xabsi kasta oo aad aragtid aduunyada ay ka buuxaan dad aan dembi lahayn oo aan waxba galabsan, bal si uun tuhun

Ku soo galay, oo qaarkood la dilo ama la ciqaabo, hase yeeshee wadaniga wanaagsani wuxuu ku dedaalaa in uu ka dacwoodo dulmigii lagu samayay, haduu ku guulaysan waayona Allaah ayuu tala saartaa, sidaas darteed hal qof oo xaq daro lagu dilay ama lagu ciqaabay ama toban qof oo sidaas oo kale aha ama boqol qof ama kun iyo ka badanba, marmarsiinyo uma noqonayso in wadan dhan lagu burburiyo oo ay ummadu isku hoobto, tiradaas faraha badan ee xaq darada lagu wax yeelayay, waxaa ka wayn

Danta guud, eeg dhibta shacabka gaadhaa aduunka oo dhan bay ka dhacdaa, tusaale hadaan u soo qaadano labada wadan oo Carbeed Masar iyo Suuriya waqtigaa dagaalka sokeeye wadankeena laga abaabulaayay, waxa ka dhici jiray xadgudubyo iyo dembiyo shacabka lagula kaco aan qoraal lagu soo koobi karin, hadana sidaas oo ay tahay lama arag qof reer masar ah ama suuriya oo u galay Isra’iil, oo wadankooda ku soo hogaamiya cadaw meel uu u soo maro la’aa, waayo damiirkooda wadaninimo baa

Taas u diidaayay, waa dad mustaqbalka dheer ee dalkooda ka fikiraaya, kuna kalsoon in ay maalin uun suulayso xukuumadan dhibta ku haysaa, mustaqbal fiicana ay yeelan doonaan, inagu se dalkeenii baynu cadaw soo jireen ah ku soo hagnay oo u loognay, maxaa ka dhashay taas? Xageen se maanta dal iyo dadba ku sugnahay? Waxaynu ku hoos jiraa oo in maamula guud ahaan Soomaaliya oo dhan, cadawgii aad shalay dalkaaga ku soo hagtay, wuxuu gacanta ku hayaa DKMG, maamulada landlanda 

Inta badan kooxaha wadanka ka jira, intaa isaga ayaa u kala dabqaada amaradiisa bayna dhamaan socodsiiyaan oo ma diidi karaan, bal raali gelintiisa iyo isxejintiisa waa loo kala dheerayaa, isna mar kasta wuxuu abuuraa koox cusub, oo uu kuwii hore dhabarka kaga jebinaayo, ma doonaayo in ay midna wax noqoto, dantiisu waxay ku jirtaa in aan wanaag iyo nabadi ka dhalan Soomaaliya iyo dowlad toona, ilaa uu ka gaadhayo siyaasadiisa waqtiga dheer ah, khayraadkii dalkaaga ayaa la guranayaa, caruurtaadii baa kuwa bani aadamka

Ka baayac mushtarayaa guranayaan, dowladaha deriska ahna ay u samaynayaan hawl fududayn oo dalalkooda laga dhoofinayaa, oo aanay jirin cid wax ka qaban kartaa, bal wax yaabaha aadka looga xumaado waxaa ka mid ah, shalay  dad Soomaaliyeed oo dhiig iyo dhalasho inala wadaaga oo ay soo barakiciyeen dagaalo iyo abaaro oo qaxooti ah, baa waxa lagu andacoonaayay dhulka ayaa lagu beerayaa, maanta cadawgu wuxuu ku soo daad gurayay kumanyaal dadkiisa ah, Soomaaliya inteeda badan, wax ka hadlaaya ama leh waa nalagu beerayaana ma arkaysid!!!

Aan u soo noqdo mawduuca kuna soo gebagebayo jawaabta su’aashii aan kor ku soo xusnay, ee xaqq yaa u leh in uu qaado dacwadaha dembiyada la kala tirsanaayo? Laba qolo ayaan qabaa in ay ahayd in loo daayo hadba midkoodii laysku afgarto, kan hore waa dowlad xalaal ah marka ay dhalato, kan labaadna in laga dalabado UN ta in ay samayso haya’d madax baan oo ay la shaqayaan gudi garsoorayaal iyo dembi baadhayaal ah, oo isu dhelitiran, oo Soomaali ahi, waxa saddexaysa in lays cafiyo oo arintaa laga heshiiyo wixii dembiya gaystena Allaah wayn loo daayo arintooda, hada se waxa muuqata in talo fara ka haaday.

Wabillaahi atowfiiq

Ciisa Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

webmaster@ceegaag.com