shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada dhismaha guriyaha oo Dhisamayaal farabadan ka hirgalisay Degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  March 30,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Ceegaag waxaan laga hirgaliyey shirka kamid ah shirkada ka howl gala gudaha somalia oo xafiis ka furatay magaalada Ceegaag, shirkadaasi oo loogu tala falay inay dhisto mashaariicda haatan laga Wado magaalada ceegaag sida dhismayaasha iyo Wadooyin samaynta magaalada ceegaag oo haatan laga Wado mashaariic kala duwan.

Ceegaag Construction Company shirkada dhismaha guriyaha barkadaha iyo Wadooyin samaynta nashqadaynta Qiimaynta guriya ayaa laha hirgaliyey degma Ceegaag waana shirkadii ugu horaysay ee magaaladaasi laga hir galiyo kadib dhismaha magaalada ceegaag.

Maamulaha Shirkada Dhisamaha Ceegaag C/xakiin Cali Abokor ayaa Ceegaag.com u sheegay inay sabaha shirkadani looga hirgaliyey ay tahay magaalada ceegaag in baahi wayn loo Qabo sababtoo ah iyadoo mashaariico farabadan oo dhismayaal ahi ka socdaan  guud ahaan deegaanka Ceegaag iyo magaalooyin ka kale ee Hoos yimaada Ceegaag.

C/Xakiin Cali Abokor ayaa Ceegaag.com u sheegay in dhamaan cidii doonaysa inay maalgashi ku samaystaan degmada Ceegaag shirkadu diyaar u tahay xili kastana ay u soo bandhigayso noocyada guriyaha ay doonayaa,iyadoo shirkadu sida ugu macquulsan u soo dhawaynaysa macaamiisheeda ayna ugu adeegayaan Qiimo macquul ah.

Daawo Sawiradda

Cali Dhagjar

Ceegaag

webmaster@ceegaag.com