shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab mahiigaan ah oo Wata baraf oo maalintii labaad ka da'aya Magaalada Hargeysa.

(Hargeysa,  March 30,  2010 Ceegaag Online)

Wararka Maanta naga soo gaadhay magaalada Hargaysa ayaa ku soo waramaya in magaaladaasi roobab xoogani oo saacado farabadani da'ayey ay magaaladaasi ka curteen roobabkaasi ayaa sababay in guud ahaan ganacsiga magaaladu uu istaago kadib markii roobabkani oo Wata baraf ay magaalada saacado farabadani ka da’ayeen.

Qaarkamid ah Shacabka magaalada hargaysa oo saaka Ceegaag.com taleefoonka magaalada hargaysa ugu waramayey ayaa sheegay in roobabkani ahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa ee magaalada hargaysa ka curta, waxna kaloo shacabka kunool magaalada hargaysa ka Qaylinayaa baraf badan oo roobabku ay Wataa xiliga ay ka da,ayaan guud ahaan gobolada somaliland oo ah deegaano buuralay ah.

Barafkani ayaa waxa sidoo kale saamayn ku yeeshay carruurta kunool magaalada hargaysa oo looga baqayo inuu ku dhufto xanaanka barokaydo oo ah hargayba xumaada, waxana waalidiintu dadaal xoogani ugu jiraan inay Carruurtooda ka xareeyaan roobabkani Wata barafka iyo Qabowga ee hargaysa maalintii labaad ka da'aya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com