shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Professor Crisaaq Maxmed aadan (lafoole) oo Ceegaag gaadhay lana kulmay Qaybaha kala duwan ee bulshada Ceegaag

(London,  March 27,  2010 Ceegaag Online)

Professor C/risaaq Maxmed aadan (lafoole) Dhagayso

Pro: Lafoole oo booqanaya Isbataalka Guud

Proysar C/risaaq Maxmed aadan (lafoole) oo kamid ah aqoonyahanada Degmada Ceegaag ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Ceegaag, waxaana uuna halkaasi kulamo kulam yeesha waxgaradka degmada Ceegaag Qaybaheeda kala duwan uguna horeeyaan laamaha bulshada Ceegaag sida Macalimiinta iskuulada gudiga waxbarasha iyo shaqaalaha caafimaadka degmada Ceegaag oo kulmo dheer oo dhamaan macalinmiinta iskuuladi ka soo Qayb galeen magaalada kulam Qaatay.
 
 
Waxaana kaloo lafoole kormeer ku tagtay magaalada labaad ee Ceegaag bari oo uu booqday kana soo jeediyey khubad dheer oo kaga hadlayo dhismayaasha ku socda magaalada labaad ee Ceegaag bari iyo dhismaha misaajida Ceegaag bari oo haatan taagan heer gabo gabo ah, uguna baaqay jaaliyadu inay gacan ka gaystaan dhismaha misaajidka Ceegaag bari oo maraya gabo gabo
Pro: Lafoole oo booqanaya Masaajidka Ceegaag Bari oo dhismuhu ku socda
 
Lafoole ayaa sidoo kale booqday isbitaalka Ceegaag oo halkaasi kumo kula Qaatay shaqaalaha caafimaadka degmada Ceegaag oo ka codsatay inay bulshahooda u shaqeeyaan kana caawiyaan arimaha caafimaadka, lafoole ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Ceegaag inay kaalin lixaadle ka qaataan horumarka degmada Ceegaag oo haatan ah labo magaalo oo runtii ah wax maanta lagu farxo.

Daawo Sawiro Kale


 
cali dhagjar
ceegaag.com
ceegaag
 

webmaster@ceegaag.com