shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale oo Isku Shaandheeyay Golahiisa Wasiirada.

(Hargeysa,  March 23,  2010 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Qaarkamid ah Golihiisa Wasiirada kadib markii maanta War saxaafada loogu tala galay ka soo baxay Madaxtooyada magaalada Hargaysa oo lagu shaaciyey isku shaandhaytaasi golaha wasiirada somaliland.

Warsaxaafadeedka Isku shaandheynta Golaha Wasiirada iyo waliba kala dirista Guddidii Cisbitaalka Hargaysa ayaa u dhignaa sidan:.
 

Warsaxaafadeed Madaxtooyada JSL

Date:
23/03/2010

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa
uu maanta isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dalka.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-gelinaya waajibaadka iyo xilka qaran ee Wasaaradaha, isla markaana ahmiyad gaar ah siinaya dar dar gelinta xilkoodaasi, waxa uu maanta , bishuna tahay 23/03/2010 uu goŽaansaday in uu isbedel lagu sameeyo xilalka ay hayaan Wasiirada qaarkood, waana sida hoos ku qoran:-

1. In Mudane, Cabdi Haybe Maxamed, oo hore u ahaan jiray Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada hadda loo bedelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Beeraha.

2. In Mudane, Aadan Axmed Cilmi oo hore u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Beeraha uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

3. In Mudane, Axmed Cali Casoowe, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda uu hadda noqon doono Wasiirka Wasaaradda Caafimadka iyo Shaqada.

4. In Mudane, Farxaan Jaamac Ismaacil, oo hore u ahaan jiray Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu hadda noqon doono Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

5. In Mudane, Muuse Maxamed Cabdi, oo hore u ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha uu hadda noqon doono Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale, Waxa uu Madaxweynuhu uu iyana isbedel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kuwaasi oo kala ah

1. In Mudane, Maxamed Cabdi Diiriye oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta uu hadda noqon doono Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada

2. In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Maal, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada

3. In Mudane, Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, hadda u noqon doono Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka

4. In Mudane, Cali Cabdi Odowaa, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha

5. In Mudane, Anwar Axmed Cige, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka uu hadda noqon doono Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland  Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo tix-gelinaya wada shaqayn laŽaantii ka dhaxaysay Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddida Cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo waajibaadka guddidaasi ay ahayd in ay wakiil uga tahay cisbitaalka Guud Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, oo isna hawsha wakiil uga ah Xukuumadda, taas oo dhici wayday in ay Guddidu sidii waajibaadkeedu xilkooda u gutaan, waxa kale oo iyana guddidu ay joojisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Wasaaradda Caafimaadka, taas oo waxyeelo gaadhsiin karta hawlihii shaqo ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, sidaa awgeed Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu goŽaansaday in guddidaasi la kala diro, maadaama ay xilkoodii sidii loogu tallo galay ay u gudan waayeen.

Allaa Mahad Leh,

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

webmaster@ceegaag.com