shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibad bax balaadhan oo maanta Buuhoodle ka dhacay iyo Wafti ka socda Puntland oo soo gaadhay Buuhoodle

(Buuhoodle,  March 27,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo habeenimadii xalayto magaalada Buuhoodle soo gaadheen wafti balaadhan oo ka socda dhinaca Puntland ayaa waftigaasi oo hogaaminayey Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka bada ee Puntland Eng. Maxamed Faarax Aadan maanta magaalada Buuhoodle kulamo kula Qaatay waxgaradka Qaybaha kala duwan ee Bulashada magaalada Buuhoodle oo uu kala hadlay xaalada guud ee deegaanka Buuhoodle.
 
Dhinaca kale Waxaa maanta magaalada Buuhodle hadheeyey dibad bax balaadhan oo lagu taageersan yahay go'aamadii  dhawaan isimada iyo Dawlada Puntland magaalada Garoowe ku kala saxeexdeen waxaana dibad baxaasi ahaa mid aad loo soo agaasimay kana soo Qayb galeen Madaxda maamulka gobolka Cayn kan degmada oo lagu Qabtay garoonka kubada cagta ee Xabado Footbool.
 
Guud ahaanba Dibad baxaasi ayaa maanta ku soo dhamaaday waji wanaagsan waxaana taageerashu markii danbe socod balaadhan ku mareen wadooyinka magaalada Buuhoodle iyagoo ruxaya calanka cusub ee dhawaan laga dhawaaqay maamulka Puntland, waa markii ugu horaysay ee magaalada Buuhoodle u ka dhaco dibabax balaadhan oo lagu taageerasn yahay go'aamada isimada iyo dhinaca Puntland uu hadheeyo magaalada Buuhoodle.

Daawo Sawirada


 
Cali dhagjar
ceegaag.com
buhodle

 

webmaster@ceegaag.com