shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Daryeel la'aanta iyo Dhibaatada haysata Caruurta Soomaaliyeed (Faallo).

(Qardho,  March 29,  2010 Ceegaag Online)

Wixii ka dambeeyay burburki dowladi dhexe ee Soomaaliya,dalka waxaa ka jiray dhibaatooyin bani'aadanimo oo aad u xun kuwaasi oo saameyn ba'an ku yeeshay waxa ay Soomaalidu u taqaan "Birimagaydo",aniga oo hamigaygu yahay baaritaan aan dhowaantan ka sameeyay deegaano hoos yimaada maamul goboleedka Puntland,waxaan xogo muhiim ah ka soo ururiyay Tuulooyin,Magaalooyin iyo dhulal miyi ah,iyadoo safarki baaritaankayga ay igu qaadatay mudo gaaraysa 10 beri.
 
Degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaan u socdaalay 15-March-2010 waxaana aan soo indho-indheeyay xaalada nololeed ee caruurta ku nool degmada Xingalool,ma jirto waxbarasho dowli ah oo ka jirta degmada Xingalool (Public Education Facility) iyo goobo gaar loo leeyahay oo caruurta lagu xanaaneeyo ama lagu kobciyo garaadkooda.
 
Caruurta joogta degmada xingalool ma helaan nafaqo ku filan (Nourishment),maadama aanay degmada ku ool goobo gaar loo leeyahay oo loogu talo galay xanaanaynta caruurta si kor loogu qaado heerkooda waxbarasho iyo kooda nololeed.

                                      
 
Qeybtii labaad ee socdaalkayga waxaan ku tegay Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal,degmada Dangorayo waxa ay leedahay goobo waxbarasho oo gaar loo leeyahay,waxaana ku nool caruur tiro ahaan ka badan 500 oo caruur ah,badankooduna ma haystaan daryeel waxbarasho iyo mid caafimaad midna.
 
Jaamac Cabdi Cawad,Maxamed Cismaan cali iyo Axmed Rooble Muuse waa saddexda ciyaalka ah ee ka muuqda Sawirka,waxay ay ku suganyihiin degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal,Maxamed Cismaan Cali da'diisu waa 7 sano jir wuxuuna iiga waramay nolosha caadiga ah ee gurigooda ka jirta,"Waxbarasho ma helin,hada aniga waxaan la noolahay hooyaday,waxaan doonaya waxbarasho".
 
Afti aan ka ururiyay caruur farabadan oo ku kala sugan deegaanadi aan soo maray ayaa badankoodu ka cawday waxbarasho la'aan,hadaba dhibaatada waxbarasho la'aanta caruurta waxaa ii sharaxday Marwo:Jawaahir Daahir Ducaale oo ka tirsan Xafiiska wasaarada Haweenka Puntland,"Runtii Qoysas badan oo wadanka jooga ma haystaan kharash ay ku bixiyaan lacag badan oo intaasi gaaraysa,waxaa laga yaaba reerki inay iskoolka u dhigtaan shan caruur ah,ma awoodo marka reer kasta in uu ciyaal ka badan saddex geeyo dugsi waxbarasho".
 
Si kastaba ha noqotee intii lagu jiray Burburka Soomaaliya waxaa Soomaaliya ka hawlgalayay hay'ado badan oo ka shaqeeya Daryeelka caruurta sida Sanduuqa Badbaadada Caruurta ee UNICEF oo wax weyn ka qabtay u gargaarida caruurta tabaalaysan.
 
C/rashiid Maxamed Daahir
Free-Lance-Researcher
lacle1004@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com