shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

ALLAHAYAW DABSHIDAHAA DELEGAN NAARTA DACAL SEEXI

(SSCayn,  March 30,  2010 Ceegaag Online)

Maqaalkan gaaban waxaan manta ku eegayaa aragtida aan ka qabo abaabulka dhulka loo yaqaan SSC, oo maalmahan danbe ku jiray khal-khal siyaasadeed oo ah mid ay abuureen dad dantooda gaarka ah ku doonaya.

Waxaan dhowaan ka qayb galay oo aan dhegeystay shir telefoon (Teleconference) oo ay isugu yimaadeen dad badan oo u dhashay goboladaas SSC oo jooga addunyada dacaladeed oo dhan. Waxaa isla markaa shirka lagu dhegeysanayey oo khadka telefoonkana ku jiray “odayaal” iyo “isimo” ka soo hadlayey tuulada Buura-Wadala iyo Nairobi oo iyagu ahaa qolooyinka wada abaabulka Dhulbahante lagu abaabulayo in uu galo dagaal beeleed ama dagaal sookeeye, waxa loo yaqaan “Civil War”.

Inta aanan hadal kale dhex gelin waxaan canbaarayn dusha uga tuurayaa shirkaas iyo wixii laga hadlayey oo saldhigiisu ahaa in dadka Dhulbahante ee dibadaha ku nooli ay lacago iyo dhaqaale lagu abaabulo dagaal ka dhex dhaca ummad Soomaliyeed iyo weliba dadka Dhulbahante dhexdiisa lagu urursado.

Mar labaad waxaan canbaarayn u soo jeedinayaa nimanka isku sheegaya in ay yihiin isimo ee halkaa ka hadlayey oo runtii aan marnaba lagu sifayn karayn in ay ahaayeen madax dhaqameedyo, beeldaajiyayaal, nabadoono ama isimo. Markii aan dhegaystay hadaladoodii iyo waxyaalaha aan munaasabka ahayn ee ay ku hadlayeen, waxay runtii aniga iila hadal ekaayeen dagaal oogayaashii labaatankii sannadood ee ugu danbeeyey ummaddii Soomaaliya loo yiqiinay burburiyey.

Mar saddexaad waxaan canbaarayn dusha uga tuurayaa kuwii shirkaa soo abaabulay oo ujeedadooda ugu weyni ahayd in ummadda Dhulbahnte ay geliyaan caadifad colaadeed oo been ah laguna doonayo in loogu adeego dhawr qof oo danahooda gaar ka ah wata, dadka Dhulbahante ee nabadda ku naaloonayana la geliyo colaad aan ujeeddo dhab ah lahayn.

Waxaa aad yaab u lahaa in Islaanimada, Quraanka iyo Axaadiista nebiga SCW loo adeegsado abaabul jaahilnimo ku salaysan oo lagu doonayo in colaad iyo cadaawad dad walaala ah laga dhex abuuro. Waxaa si xariifnimo ah loo adeegsaday kuwo tusbaxylayaal ah oo islaanimo iyo aadanimaba ka madhan oo akhriyaya aayado iyo axaadiis aanay laftoodu macnahoodaba garanayn, iyagoo uga jeeda in ay ku beerlaxawsadaan laguna jaha wareeriyo inta aan caqligoodu ku filayn.

Waxaa hadalada ugu badan ee lagu celcelinayey ka mid ahaa ka mid ahaa  “Dhulbahnte ayaa la gumaysanayaa, Dhulbahante ayaa la haystaa… Dhulbahante ayaa xadhko lagu xidhxidhay……….. IWM

Dhulbahante waa ummad qaran ah oo degaankooda, dalkooda, diintooda iyo damiirkooduba yahay mid ka weyn in la gumaysto ama la qabsado. Waa qaran garan kara wanaag iyo samaan isla marakaa sida ummad kasta oo kale fikrado iyo aragtiyo kala duwan ka leh wanaagga iyo samaanta sidii lagu gaadhi lahaa. mana filayo in dadnimadooda iyo damiirkoodu siinayo in la geliyo colaado iyo burbur ay natiijadooda daawanayeen labaatankii sanadood ee ugu danbaysay. Sida aan ognahay Dhulbahante waxa uu ka mid yahay qabiilooyinka Soomaaliyeed ee aanu weli ka dhex dhicin dagaal sokeeye intii Soomaaliya burburka ku jirtay, iminkana diyaar Dhulbahante uma aha mana doonayo.

Waxaan hadaba leeyahay qolooyinka dibadaha lacagaha ka ururinaya iyo kuwa laga ururinayaba si dab loogu shido, xoolihiina naar ha ku doonanina, dadkiinana halaag iyo burbur lacagtiina ha ugu iibinina. Haddaad lacag kaa badan haysato, ku bixi wax if iyo aakhiraba xasanaad iyo wanaag aad ka kasbato.

Ummadda reer SSC ee dhulkii ku noolla waxaan leeyahay “NIMAAN KUU FURI DOONINI YAANU KUU RARIN” Dalkiina iyo dadkiina cadaw waxaa manta u ah kuwa doonaya dhiiggiina, coladiina iyo darxumadiina inay darajooyin ku qaataan. Caddaw aad idinku isu tihiina ma jiraan, cadaw dhulkiina idinla joogaana ma jiro. Colaad manta dhexdiina iyo dadka aad dhulka kuwada nooshihiin la idin dhex dhigo ayaa cadawgiina ah ee ka feejignaada.

Ugu danabyn waxaan xusuusinayaa kuwa Dhulbahante cidla ha istaago oo aan la dagaalano cid walba ama ummadaha Dhulbahante dhaqanka, dhulka iyo dhalashadaba la wadaago:

DHULBAHANTE WAA PUNTLAND…. WAA SOMALILAND ….WAA SOOMAALI . WAA MUSLIM….  EE BAL ADIGU MEESHA AAD DOONAYSO EE KALE AAD.

 

Allaw Na Badbaadi………Aamiin

Cabdifataax Maxamed

acilmy@yahoo.com

webmaster@ceegaag.com