shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tarntan orod ah oo ay soo agaasintay Shirkada Xareed Company ayna ka qeyb galeen Wadamo badan oo dalka Uganda lagu qabtay

(Kambala, May 27, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Jinja ee wadanka Uganda lagu qabtay orod Maradoon ah oo ay soo agaasintay shirkad Soomaali ah taasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 3-kun oo Ruux oo ka kala yimid dunida dacaladeeda waxaana aad uga dhex muuqanayay Soomaali ka qeyb galeeysay orodkaasi oo ahaa mid 10-km ah.

Ororakani oo boloowday  abaaro 7:30 Subaxnimo xiliga dalka Uganda ay waxayaa dadkii ka qeyb galayay ahayeen kuwo uu ka muuqday u diyaargaroowga baratankani waxaana ay isugu jireen Rag iyo Haween ka kala yimid dunida dacaladeeda kuwaasi oo u tartamaya labo qeybood ookala ah 10-KM iyo 21-KM oo  lagu soo marayay wadooyinka  magaalada Jinja ee wadanka Uganda.

Orodkani oo ay soo agaasintay Shirkada Soomaalida ah ee lagu magacaabo Xareed Company  ayaa waxaa ay ka mid tahay shirkadaha Soomaalida ee sida weyn looga yaqaan dalka Uganda isla markaana maalgashiyo kala duwan ka sameeyay wadanka Uganda kuwaasi oo balan qaaday in Ganacsigooda ay ka bilaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya si dib u dhiskiisa iyo nabadeeytiisa uga qeyb qaataan.

20-daqiiqo kadib ayaa waxaa ay u suuro gashay in kaalinta 1-aad uu galo Moses wakiri oo ah Muwadin Uganda waxaana uu ka waramay dareenkiisa xili uu  la hadlay taleefishiaynka qaranka Soomaaliya

“Kuma Fekereyn in kaalinta 1-aad aan galayo, waana sanadkii 2-aad ee aan ka qeyb galo aad ayaana ugu faraxsanahay” Ayuu Yiri Moses wakiri

Sidoo kale Waa kuwan qaar ka mid ah Soomaalidii ka qeyb gashay Orodkani Maradoonka ah oo ka hadlay sida ay uga soo qeyb galeen orodkani iyo kaalimaha ay galeen,waxaana sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sanadaha soo aadana ay filayaan in kaalimaha 1-2- iyo 3-aad ay gali doonaan.

Qunsulka Safaarada Soomaaliya  ee Uganda Mudane Muuse Macalin Yuusuf oo ah masuulka shirkada Xareed Company  ee soo agaasintay orodkani oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa rajo ka muujiyay In sanadka xiga ay orodkani maaradoonka ah ku qaban doonaan magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay in ay oofinayaank balanqaadkii ay ka balan qaadeen Madaxweyne sheikh Shariif Shiikh Axmed xiligii uu booqashada ku imaanayay Dalka Uganda gaar ahaana magaalada Jiinja.

Xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xaraare oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dareenkiisa ku mujiyay in shirkad Soomaali ay leedahay ay soo agaasinto Sanadkii 4-aad orodkani Maradoonka ah,waxaana uu aad u ammaanay dedaalka ay shirkadaha Soomaalidu ka muujinayaan is dhex galka iyo is caawinaada ay ka dhex muujiyeen dalka ay martida u yihiin.

Tartankani orodka ah ee ay qabatay shirkada Xareed Company ayaa waxaa uu noqonayaa kii 4-aad ee ay qabtaan waxaana ay balan qaadeen masuuliyiinta shirkada in sanadka xiga ay magaalada Muqdisho ku qaban doonaan  iyagoo rajo ka muujiyay gulaha ay ciidamada Qalabka Sida hee Soomaaliyeed ka soo hooyeen ka xureenynta kooxii dhibaatada ku hayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com