shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turikiga.

(Istanbul, May 28, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa saaka abaarihii 9:00 aroornimo ka furmay magaalada Istanbul ee caasimada labaad ee dalka Turiga shirkii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah,  shirkan oo uu furay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu isaga oo ergada ka soo qeybgashay kulankana ku booriyay afar qodob oo uu sheegay inuu saldhig u yahay qabashada kulankan kuwaasoo kala ah.

1. In Soomaalidu ay helaan gole am madal ay danahooda si xor ah ay uga tashadaan

2. In si wadajira ah ay waxgaradka Soomaaliyeed ay isula eegaan culeysyada heysta Soomaaliya iyo xalkoodaba.

3. In soomaalidu fursad loo siiyo in ay soo bandhigaan wixii ay xal u arkaan, wixii muhiim u ah si Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku laheyd caalamka

4. In fursad loo siiyo Turkey in ay fahamto baahida amni, midda Siyaasadeed, Bani’aadanimo iyo horumar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sidoo kale khudbadiisa ku dhiirigeliyay odayaasha iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed inay dib boorka uga jafaan taariikhdii Soomaaliyeed ee dahabiga aheyd isaga oo tusaale u soo qaatay taariikhdii Halgankii Axmed Gureey “Waxaa la idiinkaga fadhiyaa Soomaali haddii aad tihiin in Axmed Gurey taariikhdiisii aad boorka ka jaftaan” ayuu si kaftan ah u yiri Wasiirka oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Soomaalidu waagii dagaalkii Andulus dadkii ka soo cararay wadamo ay ka mid tahay Spain inay Soomaaliya u barakaceen ayna soo dhaweeyeen Soomaalidu taasoo keentay inay ku noolaadaan Soomaaliya oo ay ku tartaam maantana dad faracooda ka mid ah ay ku noolyihiin.

Khudbada Wasiirka kadib, ayaa waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka weyn ee Axmed Naaji Sacad, Cabdishire Jaamac ciyaarjecel, Orodyahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi iyo Amina Muse Weheliye.

ceegaag@hotmail.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com