shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Southwest Energy Hong Kong oo rajo weyn ka muujisay in shiidaal laga helo Kililka- 5aad.

 

(Addis Ababa May 10,  2012 Ceegaag Online)

Shirkada Southwest Energy ayaa sheegtay in ay ku rajo wayntahay in shiidaal laga helo dhul ka mid ah Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay shirkadu shaqo sahamin ah ka waday.

Gudoomiyaha shirakada, Tewodros Ashenafi, ayaa qeexay in natiijadii sahaminta shidaalka, ee la soo gabagabeeyay bishii labaad ee sanadkan, ay muujinayso yididiilo wayn. isagoo gudoomiyhu sheegay in abuurida dhismayaasha muhiimka u ah soo saarida shidaalku la bilaabi karo 4 sano kadib marka lagu dhawaaqo helida shidaalka, hasayeeshe waxa uu sheegay in shirkadiisu ayna ka maarmayn kaalamada shirkadaha waawayn ee shidaalka.

Gudoomiyaha Southwest Energy ayaa xusay in Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu Ceegaago shidaalka gaska dabiiciga ah oo dhan (113 biyan cubic ton) kaas oo ku jira aagaga ILAALE iyo JEEXDIN oo ku yaala goobaha ay isaga yimaadan gobolada Goday iyo Qoraxeey.

Shirkada Southwest Energy oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa balse ka diiwaangashan Hong Kong ayaa shaqo sahamin ah oo ay ka waday goobo ka tirsan goblka Dhagaxbuur dhawaan soo gabagabaysay. Shirkada ayaa ilaa hada galisaya shaqada sahaminta lacag gaadhaysa ilaa $50 milyan iyada oo kutala jirta in ilaa $150 milyan oo kale ay ku bixiso shaqada shidaalka 3 sano ee soo socota.

Rajada laga muujiyey shidaalka ayaa ku soo beegantay xilli aad loo hadal hayo wadahadal dhexmara Jabhada ONLF iyo dawlada Itoobiya iyada oo wararka qaar tibaaxayaan in wadamo danaynaya shidaalka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia laga helay ay si dadban u riixayaan wadahadalka.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com