shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax Dhaqameedyada iyo matalayaasha Bulshada Rayidka ah ee ku sugan hoyga Cusmaaniyiinta

 

(Istanbul,  May 31 2012, Ceegaag Online)

 Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta ka qeybgalay shirka Madax dhaqameeyada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka socda Istanbul, halkaas oo uu khudbad taariikhi ah ka jeediyey.

Ra段isul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu soo booqdo Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo bulshada Raiydka ah oo uu sheegay inay muhiim tahay in shirkoodu uu noqdo mid ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo kaalin hoggaamineed ka qaatay xal u helidda arrimaha Soomaaliya. Ra段isul Wasaaraha khudbadiisa waxuu ku sheegay in imaatinkii Ra段isul Wasaare Recep Dayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay wax weyn ka bedeshay beesha caalamka iyo aragtidii ay ka qabeen Soomaaliya. Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey soo dhoweynta ay Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah ay ku soo dhoweeyeen dalka Turkiga ah.

Ra段isul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Roadmap ka sida uu ku soo bilowday iyo in 10kii bilood ee u danbeysey ay Soomaalidu go誕ansadeen inay wadajir wax ku qabsadaan isla markaana uu sheegay inay jiraan horumar baaxad leh oo la taaban karo oo laga sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isgaaridda maaulada iyo dowladda dhexe, Sameynta Dastuurka iyo Maamul wanaagga. Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in la soo afjaro xilliga KMG ah oo uu sheegay in dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah, isla markaana waddamada caalamka ee la midka ahaa Soomaaliya aysan KMG soo noqon. Haddaba si looga baxo KMG ayuu RW sheegay inay lama huraan tahay in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh.

Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay in Dastuurka la soo bilaabay 2004tii oo muddo 8 sano ah la soo waday, waxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta dalka uu marayo marxaladda wanaagsan oo u baahan in heshiiskii Addis Ababa loo baahanyahay in la dhaqangeliyo si loo helo Dowlad Rasmi ah oo taam ah bisha August.

Ra段isul Wasaraha Khudbadiisa ka dib waxaa isna goobta joogay oo khudbad ka jeediyey Ambassador Augstine Mahiga oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Waxaa kaloo isna sharaxaad ka bixiyey Dastuurka Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Avv Abdirahman Hosh Jibril.

Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagey goobaha taariikhiga ah ee magaalada Istanbul halkaas oo a dowladda Turkiga ku soo marsiisay goobaha ugu caansan isaga iyo wafdigii la socdayba.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com