shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaalida ee reer Washington Seattle (Khaatumo)oo qado sharaf u sameeyay Raysalwasaare Farmaajo oo wiigii hore booqday Gobolkaa.  

(Washington, Seattle. May 02, 2012 Ceegaag Online)

Qado sharaftan ayaa waxaa looga gollahaa in jaaliyada iyo Raysalwasaaruhu helaan fursad ay ku wada hadlaan si wax looga ogaado siyaasada urur siyaasadeedka TAYO oo dhawaan la sameeyay uuna hada madax u yahay Dr. Farmaajo.

.” Ugaasku wuxuu umada Soomaaliyeed ugu duceeyey in Illaahay dhibta ka saaro, wanaagna ugu bedelo shidooyinkan soo noqnoqnaya. Waxaa isaguna madasha ka hadlay Suldaan Maxamuud (Suudi) oo si guud iyo si gaar ahaaneedba uga hadlayi qiimaha midnimadu leedahay wuxuuna Suudi tilmaamay in cadaaladii weli laalan tahay dhibtuna halkaa Soomaaliya ka haysato, wuxuuna hadalkiisii ku khatimay mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyaya Jaalliyada Khaatumo ee Seattle.

Ugu danbayntii waxaa gabagabadii kulankii soo xidhay mudane Faramaajo oo ku hadlayay magaca xisbiga TAYO ee Soomaaliyeed, Faramaajo wuxuu sharaxaad ka bixiyay xisbiga uu odayga ka yahay iyo himilooyinkiisa, wuxu sidoo kale xusay in Soomaalidu mushkiladeeda iyadu xalisato oo aanay shisheeye uga fadhiyin inay wax u qabtaan. “Guulaha milatery ee dawladaydii gaadhay waxaa aniga igala miisaan badan dib u heshiisiinta ay ka dhex waday shucuubta Soomaalida, taas oo meelo badan oo dab ka shidnaa Ilaahay nagu guuleeyey inaan demino.

” Ayuu yidhi  mudane Faramaajo. Wuxuu intaa raaciyay inaan laga daalin suluxa umada Soomaalieed dhexdiisa laga wado ha ahaado qoys,beelo ama gobolo intaba, wuxuuna ku dardaarmay in midnimada umada Soomaaliyeed la xoojiyo meelna looga soo wada jeesto. Kulankan oo haa mid qaatay saacado daban ayaa ku ku soo gabagaboobay jawi aad u heer sareeyey oo is faham iyo farxad badani ka muuqatay.

 Daawo Sawirada

Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com