shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaalida ee reer New England oo xaflad casho sharaf soo dhawayn  ah ugu sameeyay Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo magaaladan Boston.

 

(Boston, Massachusetts May 05,  2012 Ceegaag Online)

Waxaa xalay magaalada Boston ka dhacday Xaflad lagu soo dhaweenayay Raysalwasa-arihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xafladan ayaa ku dhacday jawi aad u wanaagsan iyada oo dhex martay jaaliyada New England iyo Raysalwasaaraha oo ah gudoomiyaha xisbi siyaasadeedka TAYO is af garad ku salaysan in si wada jir ah looga qayb qaato samato bixinta dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Xafladan ayaa waxaa agaasinkeeda lahaa gudi ay jaaliyadu u yagleelatay soo dhaweenta iyo hab maamuuska Raysalwasaaraha. Mudane Farmaajo ayaa dadkii halkaa isugu yimid uga xogwaramay xaalada dalku marayo iyo sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka jira ee rakaadiyay dalka iyo dawladnimadii Soomaaliya 20kii sano ee ina dhaafay.

Daawo Sawiradii Xafladaa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com