shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii inta badan lasugayay ee Soomaalida oo caasimada Cusmaaniyiinta ka furmay

 

 

(Istanbul,  May 31 2012, Ceegaag Online)

Shirka arrimaha Soomaaliya ee Istanbul oo goor dhow furmay ayaa waxaa khubad ka jeeddiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dowladda Turkey uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabisay shirka aayaha Soomaaliya looga hadlayo.

Furitaanka shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo  magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Turkey, Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Turkey Baker Bostog, ayaa ugu horeyn ka  hadlay waxa uuna  sheegay in Soomaaliya gaartay waddadii ay uga bixi lahayd dib u dhac, isla markaana ay ku gaari lahayd heerkii looga baahnaa.

Sidoo kale Mr. Baker Bostog ayaa tilmaamay in dowladda Turkey ay qaadaneyso doorkii looga baahnaa, oo ay sii wadi doonto taageerrada ay la garab taagan  walaallaha Soomaaliya, isagoo sheegay in uu shirkan ka rajeynayo in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee ay Soomaalidu  uga bixi lahayd KGM iyo dib u dhac.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna furitaanka shirka Istanbul ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay dowladda Turkey sida wanaagsan ee ay u marti galineyso shirkan qaaliga ah ee aayaha Soomaaliya looga hadlayo, isagoo sheegay in ay ku dadaalli doonaan sidii umadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa, isla markaana ay u hiigsan lahaayeen horumar.

Shirka ayaa hadda si toos ah u socda, waxaana ka soo qeyb galay dhammaan dhinacyadii lagu marti qaaday, iyadoo qeybta hore ee shirka maanta diiradda lagu saarayo arrimaha bini’aadannimada horumarrinta shacabka Soomaaliyeed iyo dalka.

Qeybta dambe ee shirka berri ayaa isna looga arrinsan doonaa siyaasadda guud ee Soomaaliya, kaasi oo ugu dambeyntii laga soo saari doono qodobbo wadajir ah oo ay Soomaalidu ku heshiiso, caalamkuna uu raali ka yahay.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com