shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayaan digniin ah oo ay si wada jir ah usoo saareen ururada IGAD, AU iyo QM.

 

(Addis Ababa May 01,  2012 Ceegaag Online)

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin taabo galinta Roadmap-ka, iyagoo dhinaca kalana digniin u jeediyay shaqsiyaadka iyo kooxaha qaska ku wado hanaanka nabadda ee Soomaaliya.

Hadal qoraal ah oo saxaafada loo qeybiyay oo ay si wada-jir ah uga soo baxay ururradaasi waxay ku sheegeen in ay walaac xooggan ka qabaan in khalkhal la geliyo hannaanka kala guurka ee Roadmap-ka

Qaramada Midoobay ,Midowga Afrika iyo IGAD waxay sheegeen in shaqsiyaad iyo kooxo jooga gudaha iyo dibedda Somalia ay ka shaqeynayaan sidii ay u wiiqi lahaayeen horumarka dalka laga gaadhay gaar ahaan dastuurka

War-saxaafadeeda waxaa lagu xusay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay in kooxaha qaswadaayasha ee ka soo horjeeda in xilliga KMG ah la soo afjaro, lagu soo rogi doono cunaqabteyn

Waxaa ku saxiixnaa War-saxaafadeedka wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika Boubacar Diarra, ergayga gaarka ee Qarmaada Midoobay u qaabilsan Somalia August Mahiga iyo sarkaal IGAD u qaabilsan fududeynta howlaha nabadda iyo dib u heshiisiinta Somalia Kipruto Arab Kirwa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com