shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

KU: MAAMULLADA IYO WAXGARADKA DADKA KU HADLA AFKA SOOMAALIGA.

(Denmark, May 29, 2012 Ceegaag Online)

Inta xusan waxaa la gudboon inay u caqli celiyaan dalalka bilaabay inay jaaliyadaha Soomaaliyeed ka dhaqaan kuna maamulaan maahmaahyaha Soomaaligaa sida:

1-     LAFO GARI IYAGAA LA ISKU JABIYAA iyo oraahda caankaa ee

2-     QAYBI OO XUKUN AMA ISU ADEEGSO OO ISKU DULLEE iyo hababkii lagula dagaalami jirey nabiyada (csws) ee ahaa:

3-     CID WALEYBAA KEEN HAL QAATIL SI LOO WADA DILO NABIGA OON CID GAARA LOOGU QABSAN.

Waxaaa la hubaynayaa kooxo dumar u badan oo dakano ku wata ina-rag dhammaantiis iyo Diinta Islaamka oo markay guud ahaan raggi fureen oo ay bac madoow dibadda u dhigeen hadda loo qalabeeyey khaniiseynta, isu loogidda iyo isuguurinta ragga siiba ninkii dhinacyo kale ay colaad siyaasadeed ama mid kale ku wateen iyagoo taageeryoyin ka helaya kooxo kale oo badan sida midey wado qabyaalad, mid uu wado laaluush horayba lagu cunay dilka ninkaas, mid uu wado nolol-ka-dhac, maadaama dhaqan-doorsoonka ilaa heerkaasa uusan ku faafin dadka ku hadla Afka Soomaaliga balse mudooyinkii danbe lagu samaynayey maalgalin oo hadaf laga yeeshay.

Xilkasnimo darrada maamulada dalalka bilaabay cadaawadaan waxay gaartey inay adeegsadaan dumar doorsoomay, caruuro waalidkood laga boobay iyo inta noloshaba laga qubay oo xitaa la gaarsiiyey in loo isticmaalo xitaa sidii jalfiskii iyo ku samaysiga dagaalka-digaagga/cock fighting ee lagu qoslo oo la duldhigo guryaha shaqsiyaadka lagu xad-gudbaayo ee diidey in loo qaabeeyo sida la doono iyo sida aluminiumka ee la doonayo in la dagaal-galiyo amaba la barakiciyo oo xitaa ay is hortaagaan hurdada iyo xasiloonida. Maamuladaasi waxay bixiyaan dhammaan kharashka iyo qalabka tajasuska iyo torturka/silicdilyada ee ay shaqadaasi u baahan tahay. Lagamana yaabo inay soo dhexgalaan boolisku oo waa shaqo qaran.

Intaa waxaa dheer oo lagu wargalinyayaa maamulada iyo waxgaradka Soomaalida:

1-     Abaabulka jariimooyin ay dad kale wataan balse lagu daboolo muuqaal Soomaaliyeed si loogu ekeysiiyo wax u khaasa oo ka dhex socda Soomaalida si la isugu sii diro dadka Soomaaliyeed oo horay la isigu diray;

2-     Ruqsad siinta dadyowga ay Soomaalida dhibaatooyinku dhex yaalliin si ay u khaarajiyaan qof kasta oo ah Soomaali lagana dareemo Soomaalinimo sii loo wada indho-iyo-dhago beelo loona wada noqdo qabiiliiste iyo goboliiste.

Cawaaqibku wuxuu saamayn doona dhankasta ee dayaca xilka ka saaran fuxshigaan ijraamigaa ee waadaxay kana qarsoonayn cidnaba. Waayo markay is-difaacaan dadku waxaa lagu wada maagi doonaa dadka ku hadla Afka Soomaaligaa oo dhan ooy weheliso sumcad xumada sida xun ee loo isticmaalyo dad u badan dumar oo lagu tilmaamayo Soomaali oo lagu tiriyo ummadda Muslimiinta.

Faahfaahinta arrimahan waxaad ka eegi kartaa bogan: http://www.hornpeace.webs.com

Xil Gudasho iyo Wada Shaqayn Wacan

Amiir Cabduraxmaan Xussen Muxammad (BBA/MBA),

Denmark amiirdaldoon@gmail.com

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com