shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbul.

 

 

(Istanbul,  May 30 2012, Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Dr. C/weli Gaas ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin tirsan dowladda Turkiga, soo dhaweyn ka dib ayaa ra’iisul wasaaraha loo galbiyay hotelka Caalamiga ah ee Conrad halkaas oo uu horay loogu soo diyaariyay.

Dhinaca kale Shirkii odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka uga soconayay magaalada Istanbul ayaa galay maalintiisii saddexaad iyada oo weli ay u shirayaan mas'uuliyiin ka hadlaya Siyaasada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Amniga, waxaana la filayaa in shirkan maalinta berri ah la soo gabagabeeyo si loogu gudbo wejiga labaad ee shirka.

 

Ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com