shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhii raajicuun: Marxuun Darwiish Maxamed Maxamuud oo ku geeriyooday xerada qoxootiga ee Xagardheer  ee dalka Kenya

 

(Xagardheere May 23,  2012 Ceegaag Online)

Waxaa ku geeriyooday xerada qoxootiga ee Xagardheer  ee dalka Kenya shalay oo tariikhdu ahayd 05/22/12 Marxuum Darwiish Maxamed Maxamuud. Marxuumka ayaa waxa uu ahaa Nin ku caanbaxay Diin Jacayl, Dal Jacayl & Dad Jacayl, Waxaan ilaahay uga baryaynaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.

Waxaa sidoo kale tacsi gaadhsiinaya reer Darwiish Maxamed Maxamuud Dhamaan Maamulka iyo Howlwadeenada Shabakadan Ceegaag siiba Cali Darwiish oo ku noon magaalada Minneapolis ee wadankan Maraykanka. Sidoo kale waxaa tacsi diraya dadkan hoos kuqoran magacyadooda 

Xassan M.  Baqow iyo Xaaskiisa 

Adan M. Baqow iyo Xaaskiisa 

Geele M. Baqow iyo xaaskiisa

Mumino M. Baqow iyo Caruurteeda 

Siraad Baqow iyo Haweeneydiisa Faadumo Cabdiraxmaan  iyo Caruurtiisa oo kala ah Xalimo Siraad, Maryan Siraad, Xuseen Siraad, Kaltuun Siraad, Xalwo Siraad iyo Khadro Siraad.  

Waxaa kale oo tacsi nasoo gaadhsiiyay Ubax Cabdi iyo Qoyskeeda

Marxuunka oo ifka kaga tagey 6 wiil iyo 2 gabdhood oo kala joogo Soomaaliya, Kenya,  iyo America waxaan leenahey samir Illaahay ha inaga wada siiyo dhamaanteen Marxuumkana Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Aamiiin.Aamiin. Aamiin.

ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com