Daawo Habkii Cuqaasha iyo
Guurtida Beesha Xuseen Siciid (Hayaag) ay sida buuxda
kalsoonidii Isimnimo uga xayuubiyeen C/laahi Axmed Cali (Dabagooye)
(Ceegaag,
April 04, 2012 Ceegaag Online)
Waxaa shir balaadhan isugu
yimid Degmada Ceegaag ee gobolka Cayn dhamaan Cuqaasha,
Guurtida iyo waxgaradka beesha Xuseen Siciid (Hayaag)
shirkaas oo Madax dhaqameedka beeshu ay si buuxda
kalsoonidii Isimnimo uga xayuubiyeen C/laahi Axmed Cali (Dabagooye).
Shirkaas ayaa waxaa ka
Hadley dhamaan Cuqaasha beesha Hayaag ee kala ah Caaqil
Cabdi Ciise Guduri, Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh,
Caaqil Cabdilaahi Cawil Faarax,
Caaqil Aadan Warsame Dheere iyoCaaqil Cawil Cali
Abokor Kuwaas oo dhamaantood hoosta ka xariiqay in beeshu
kalsoonidii Isimnimo ay kala laabatay C/laahi Axmed Cali
Dabagooye hada wixii ka dambeeyana aanu matalin beesha
Xuseen Siciid (Hayaag) wax xila oo uu uhayaana aanay jirin.
Cuqaasha ayaa ugu
dambeyntii waxay si wayn iskugu raaceen Bayaankii soo baxay
April 27, 2012 ee ay beeshu sida
buuxda kalsoonidii isimnimo ugala noqotay Cabdilaahi Axmed
Cali.(Dabagooye). Wixii April 27, 2012 ka dambeeyana uu
yahay shaqsi caadi ah oo beesha ka mid ah.
Dhinaca kale Caaqil
Maxamed Cade Faarax oo ku sugan magaalada Muqdisho ee
caasimada Soomaaliya ayaa si buuxda u taageeray go'aankii
beesha Hayaag ay kalsoonidii Isimnimo kala laabten C/laahi
Axmed Cali (Dabagooye).