shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo manta ka furmay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

(Baghdad, Iraq Mar 29, 2012 Ceegaag Online)

Shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq, shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen dhammaanba wadamada ururka Jaamacadda Carabta ka tirsan.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaadhay wadanka Ciraaq si uu uga qeyb galo shirka wadamada Carabta ee halkaasi ka furmaya.

Magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq oo 22-sano kaddib marti galisay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa furitaanka shirka waxaa maanta khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Shirka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay diblomaasiyiin iyo madax heer caalami ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale oo ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalalka Carabta ay caawiyaan Dowladda KMG ah oo uu sheegay inay isku biirsadeen xaalado kala duwan iyo dagaallo ay ku hayaan kooxaha argagixisada caalamiga ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com