shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safiirada  dalalka DJabuuti, Suudaan iyo Yaman oo dhabaalo tacsiya soo gaadhsiiyay madaxwaynaha Soomaaliya

 

(Muqdisho  March 24,  2011 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiiradda dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, Kuwaas oo ugu tacsiyadeynayay Geeridda ku timid Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llahi Yuusuf Axmad oo 23 kii Bishan ku geeriyooday Dalka Isu Tagga Immaaraadka Carabta.

Safiirada dowladaha Jabuuti, Yaman iyo Suudaan ka jooga wadanka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah oo ay ka wadeen mas’uuliyiinta iyo shacabka dalalkaasi ay hoygiisa ku gaarsiiyeen Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay uga tacsiyeyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed geeridi ku timid ALLAHA u naxariisti marxuum C/llahi Yusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka.

Dayib Dubad Rooble safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo afhayeen u ahaa safiirada ka socday dowladaha Yeman iyo Suudaan ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo shacabka geerida C/llahi Yuusuf  Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay dowladaha Jabuuti, Yeman iyo Suudaan dadaalka ay la garabtaagan yihiin shacbaka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com