shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Dhigiisa Sweden

(Sweden, March 01, 2012  Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway.

Ra'iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah Ra'iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ah Ra'iisul Wasaarihii 5aad ee ay TFG yeelato tan iyo 2004tii ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sida ugu habboon ee Soamaaliya iyo Sweden uga wada shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan soo afjaridda Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas'uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu jirta soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo hadda oo uu ku sugan yahay Sweden.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com