shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rasalwasaare Xigeenka dawlada Turkiga Mudane:  Baker Bozdag oo Muqdisho u yimid meelmarinta Duulimaadada diyaaradaha Turkiga oo isaga gooshi doonta Istanbuul iyo Muqdisho

(Muqdisho, March 06, 2012 Ceegaag Online)

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa saaka aroortii ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Rasalwasaare Xigeenka dawlada Turkiga Mudane:  Baker Bozdag, iyadoo halkaasina ay ku soo dhoweeyeen madaxda sare ee Dowladda KMG ah oo ay ka mid yihiin: Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ciidamada kala duwan ee Dowladda KMG ah.

Wafdiga ayaa la sheegayaa inuu saacadaha soo socda xarayo shirkadda diyaaradaha Turkish Airway oo iyadu si toos ah howlo duulimaad uga bilaabeysa magaalada Muqdisho isla markaana ay ku tageyso toddobaadkiiba laba jeer magaalooyinka Muqdisho iyo Stanbul, iyadoo sidoo kale la filayo wafdiga Dowladda Turkiga inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga dareemayaa inuu saameyn ku yeeshay imaatinka wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, waxaana joogsaday dhammaanba dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wadada dheer ee tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waa markii labaad oo wafdiga Dowladda Turkiga booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, iyadoona Dowladda Turkiga ay si rasmi ah u guda galeyso fulinta mashaariic fara badan oo ay Soomaaliya dib ugu dhiseyso amaba ka fulineyso.
 

Xuquuqda Sawirada waxaa iska leh :Somaliwayn

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com